WARARKA SOOMAALI

Daawo:Xaalad adag oo ka taagan Degmada Horufadhi iyo Boqolaal Qoys oo kusoo Barakacay+Baaq ku socda Jaaliyada-Video

Wararka ka imaanaya Degmada Horufadhi ee Gobalka cayn ayaa kusoo waramaya Xaalad adag oo dhanka nolosha oo ka taagan Deegaankas,Xili ay abaar daran iyo xanuuno halis ah ka jiraan guud ahaan deegaanada Gobalka cayn ayaa degmada Horufadhi waxay kamid tahay deegaanada sida aadka ah abaartu ugu habsatay.

Boqolaal Qoys oo kusoo barakacay kadib markii xoolihii ka dhamaadeen Degmada Horufadhi aya Duleedkeeda waxaa ay ka dhisteen Guryo Cooshada ah iyaga oo dalbanaya Gar gaar deg deg ah oo Biyo iyo Cunto ugu horeyso.

HALKAN RIIX DAAWO VIDEO

Jaalilyadaha Deegaanada SSC iyo guud ahan umadda Muslimiinta waxaa ay ka codsadeen in ay gurmad dhinacyo badan taabanaya ay lasoo gaadhaan si loo bad baadiyo nafahooda.

Wararka Horufadhi.com

SOMALI NEWS

To Top