WARARKA SOOMAALI

Daawo:Dhibka Mushahar la,aanta iyo Duruufaha Nolosha ee Haysta Ciidanka Mamulka Garoowe iyo Taliye Banaanka soo dhigay Ceebta Gaas-Video

Taliye ku xigeenka ciidanka maamulka Puntland Dayr Xaaji Cabdi ayaa ka hadlay mushaar la,aan uu sheegay inay hayso ciidanka Daraawiishta Puntland, Wuxuuna Xusay in cabashada mushaar la,aaneed ee haysata ay u gudbiyeen Baarlamaanka Puntland ilaa iyo hadana aysan ka helin wax jawaab ah, ayna wali taagan tahay xaaladu.

HALKAN RIIX DAAWO VIDEO

Dayr ayaa intaa ku daray iyadoo ay ka maqan tahay mudo 30 bilood ah oo mushahaar ah iyo adeeg ah la siiyey 1 bil adeegeeda waxaana uu ka dalbaday Madaxda Puntlanda iyo wasaaradda Maaliyada in la siiyo mushaarka iyo xuquuqda ka maqan.

Ciidamada Maamulka Puntland dhowr jeer oo hore ka cowday mushaar la,aan, Sidoo kalana waxay qabsadeen Goobo muhiim ah, balse wasaaradda maaliyada Puntland waxaa ay sheegtay inaan lagu lahayn mushaar Ciidan.

SOMALI NEWS

To Top