WARARKA SOOMAALI

Daawo:Dowladda Deegaanka Soomalida Itoobiya oo Deeq Raashin ah Soo gaadhsiisay Buuhoodle-Video

Dowladda Deegaanka Soomaalida itoobiya ee uu hogaamiyo Madaxweyne Cabdi Maxamud Cumar ayaa Deeq raashin oo gar gaar ah waxaa ay soo gaadhsiiyay dadka Bukaanada ah ee ku xanuunsan magaalada Buuhoodle iyo guud ahaanba dadka kala duwan ee uu soo ritay xanuunka Shuban biyoodka oo faro kulul ku haya magaalada Buuhoodle iyo Deegaanada ku hareeraysan.

Deeqdan oo dhowr gaadhi oo nooca waa weyn ee xamuulka qaada ah waxaa hor kacayay gudoomiyaha Gobalka Doollo oo isaga loo soo igmaday deeqdan gar gaar in uu gaadhsiiyo Buuhoodle.

HALKAN RIIX DAAWO VIDEO

Ugu danbeyntii waxaa halkaas deeqda kagala wareegay Dowladda deegaanka Somaalida Itoobiya isimadda Gobalka Cayn oo uu ugu horeeyo Garaad Cabdi Risaaq Garaad Soofe iyo qaar kamid ah shaqaalaha Caafimaadka ee magaalada Buuhoodle iyagoona uga mahad celiyay Dowladda Deegaanka Soomaalida deeqdan ay soo gaadhsiiyeen dadka la il daran xanuunka Shuban Biyoodka.

Wararka [email protected]

SOMALI NEWS

To Top