WARARKA SOOMAALI

Daawo:Weerar Culus oo loo adeegsaday Gaadhi iyo Toorey oo ka dhacay Xarunta Baarlamaanka Uk iyo Ra,iisul Wasaaraha Dalkaas oo Dirqi ku-Video+Sawiro

Waxaa soo baxaya faahfaahino hordhac ah oo ku saabsan weeraro ka dhacay goor dhow magalada London ee dalka Britain kuwaasoo loo adeegsaday Toorey iyo gaari dad la jiirsiyey.

Haweenay ayaa ku dhimnatay dhowr kalana way ku dhaawacmeen weerar ay boolisku ku sheegeen inuu yahay mid argagaxiso oo ka dhacay bartamaha London.

HALKAN RIIX DAAWO VIDEO

Gaari ayaa si ula kac ah loo jiirsiiyay ugu yaraan 12 ruux oo marayay buundada Westminster ee agagaarka dhismaha baarlamaanka UK oo gebi ahaantiisba hadda la xiray.

Qof ka soo dagay gaarigaaasi ayaa tooreey ku weeraray askari booliis ah oo taagnaa dibedda dhismaha baarlamaanka. waxaa markiiba ninkaasi toogtay booliis hubaysan.

Gawaarida gurmadka degdegga ah ayaa gaaray goobta uu shilku ka dhacay.

Waxaa jira warar sheegaya in rasaas laga maqlay dibedda baarlamaanka UK. Wararka ayaa sheegaya in dhismaha baarlamaanka ee Westminster gebi ahanatiisba la xiray.

Goobjoogayaal ayaa sheegay inay arkeen dad dhaawacmay oo gargaar deg deg ah lagu siinayo goobta.

Waaxda maamusha gaadiidka dadweynaha London ayaa sheegtay in boolisku uu ka dalbaday in la xiro boosteejada tareenka laga raaco ee ku taalla agagaarka dhismaha Westminster.

Ra’isal wasaaraha Britain Theresa May, ayaa loo sii qaaday goob ammaan ah markii rasaasta la maqlay.

SOMALI NEWS

To Top