WARARKA SOOMAALI

Daawo:Madaxweyne Farmaajo iyo Xaaskiisa oo Galabta gaadhay Dalka Kenya iyo Qaabkii loogu soo dhaweeyey-Video+Sawiro.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa goor dhoweyd ka degay magaalada Nairobi ee dalka Kenya oo booqasho rasmi ah ay uga bilaabatay.

Madaxweyne Farmaajo ayaa dalka Kenya ku joogi doona booqasho saddex maalmood ah, isagoo ka qeyb geli doona shirweynaha madaxda dalalka IGAD ee looga hadlayo arrimaha Qaxootiga Soomaaliya.

HALKAN RIIX DAAWO VIDEO

Safarka madaxweyne Farmaajo waxaa ku wehlinayay xaaskiisa iyo xubno kooban oo katirsan DF Soomaaliya.

Wafdiga madaxweyne Farmaajo waxaa Garoonka magaalada Nairobi ku soo dhoweeyay hogaamiyaha aqbaliyadda Baarlamaanka Kenya Aadan Barre Ducaale, Wasiirka Arrimaha dibadda Amina Maxamed iyo mas’uuliyiiin ka tirsan dowladda Kenya.

Sawiro Karoonka Nairobi

 

SOMALI NEWS

To Top