WARARKA SOOMAALI

Daawo:Wasiirka warfaafinta Somalia oo sharaxay Sababta xilka looga qaaday Hanti Dhowrkii Guud oo Ciidankiisu Dileen Wasiir-Video

Golaha Wasiirada ee Xukuumada Federaalka Soomaaliya ayaa caawa yeeshay kulan deg-deg ah oo uu shir-guddoominayey Ra’iisal Wasaaraha Xukuumada Mudane Xasan Cali Kheyre. Arrimaha kulanka looga hadlay ayaa waxaa ka mid ahaa Geeridii Wasiirkii Howlaha Guud iyo arrimaha Amniga dalka.

HALKAN RIIX DAAWO VIDEO

Kadib Golaha wasiiradu markii ay dhageysteen warbixintii falkii dilka ahaa ee loo geystay Marxuum Cabaas Siraaji, wasiirkii Howlaha Guud, iyagoo gudanaya waajibaadkooda dastuuriga ah ballan qaadayna in wax allaale iyo waxii suurtogelinaya in baarista la soo dhameystiro ayaa waxey go’aansadeen oo si wadar-oggol ah ugu coddeeyeen in xilkii laga qaado Hanti Dhowraha Guud ee Qaranka, iyadoo xilka uu si ku-meel gaar ah u sii heynayo Kuxigeenka Hanti-Dhowrka Guud.

SOMALI NEWS

To Top