WARARKA SOOMAALI

Daawo:Hanti Dhowrkii Guud oo waxba kama jiraan iyo Sharci daro ku tilmaamay xil ka qaadistiisa-Video

Hanti-dhowrkii Guud ee Qaranka Dr. Nuur Faarax Jimcaale oo xalay xil ka qaadis ay ku sameeyeen Golaha Wasiirada Soomaaliya ayaa ka hor yimid xilka qaadista lagu sameeyay.

Dr. Nuur Faarax Jimcaale Hanti-dhowrkii Guud ee Qaranka oo ilaaladiisa ku eedeysnaa in ay ka dambeeyeen dilka Wasiirki Howlaha Guud iyo dib udhiska Soomaaliya Cabaas Siraaji ayaa xalay Golaha Wasiirada waxa ay ku sameeyeen xil ka qaadis.

HALKAN RIIX DAAWO VIDEO

Isaga oo waeysi siinayay Idaacadda Risaala Dr. Nuur ayuu sheegay in Golaha Wasiirada Soomaaliya aysan xilka ka qaadi karin, awoodna aysan u laheyn arrintaasi.

Sidoo kale waxa uu sheegay Dr. Nuur Faarax Jimcaale keliya in ay xilka ka qaadi karaan Baarlamaanka Soomaaliya, wadadaasi hadii la soo marana uu aqbali doono xil ka qaadista.

Hanti-dhowrkii Guud ee Qaranka Dr. Nuur Faarax Jimcaale ayaa sheegay isaga iyo Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya maalmahan in uu ka dhaxeeyay khilaaf yar, wuxuuna sheegay arrintaasi in uu uga faa’ideysanayay xil ka qaadistiisa.

SOMALI NEWS

To Top