WARARKA SOOMAALI

Daawo:Warbixin aan hore loo arag Dad Dhurwaayo iyo Daan-yeero ka wada Qudhaabanaya Duleedka Hargeysa-Video

Kumanaan daanyeero ah iyo Waraabayaal ka dhinac qaraabanaya eeyaha ayaa ku arkeysaa goob qashin qub ah oo ku taal magaalada Hargeysa, halkaasoo ay ka soo irsaaqad doontaan maalinta cad iyo habeenkii kana baarbaarta haraadiga cunta iyo qashinka lasoo daadiyo.

HALKAN RIIX DAAWO VIDEO

Waxaa intaas ka daran dad danyar ah oo goobahaan kusoo dheelmada, kana aruursada alaabooyinka qashinka lasoo raaciyo sida dharka, kabaha, weelasha iyo wixii la midka ah.

Goobtaan qashinka magaalada Hargeysa lagu daadiyo ayaa halis ku ah caafimaadka iyo bay’adda shicibka Hargeysa, waxayna dowladda hoose ee Hargeysa dadaal ugu jirtaa sidii loo maareyn lahaa xaaladaan cakiran.

SOMALI NEWS

To Top