WARARKA SOOMAALI

Daawo:Taariikhda Wasiir Cabaas Siraaj oo Xalay Muqdisho lagu dilay,Farmaajo oo ka hadlaya iyo Xaalada-Video

Wasiirkii Howlaha guud iyo dib u dhiska  Xildhibaan Cabaas Cabdullahi Sheekh Siraaji ayaa Caawa lagu dilay magaalada Muqdisho,   Waxaana dilkiisa la sheegay inay ka danbeeyay Ciidamo ilaalo u ah Masuul ka tirsan Dawladda, Kuwaasi oo wararku ay sheegayaan in la Qabtay.

HALKAN RIIX DAAWO VIDEO

Wasiirka oo ahaa wasiirka ugu da’da yaraa wasiirrada xukuumadda federaalka ah ayaa xilka la wareegay 3dii April 2017-ka, waxaa uu u dhashay Digil iyo Mirifle, waxaa uu dhashay 1986-dii Degamada Afmadow, in ka badan 20 sano waxaa uu ku noolaa xeryaha qaxootiga ee Kenya, Halkaasi oo uu kusoo Koray  islamarkaana uga baxay dugsi sare.

Shahaadada koowaad waxaa uu diyaariyay Cilmiga Computer-ka, Jaamacadda Nairobi ee dalka Kenya, waxaa uu ka mid noqday xildhibaannadii lagu soo doortay Kismaayo, Xukuumadda Xasan Khayre ayaa loo magacaabay wasiirka howlaha guud iyo dib u dhiska, maanta ayaa lagu dilay Muqdisho.

Barnaamij uu dhowaan magaalada Muqdisho uga Qayb galay ayaa wuxuu kusoo Bandhigay Taariikhdiida Noloshiisa, Siduu kusoo galay Siyaasada iyo Himilada uu doonayey in Soomaaliya ay Gaadhsiiyaan Dhalinyarada uu kamid yahay.

SOMALI NEWS

To Top