WARARKA SOOMAALI

Daawo:Kulankii dhexmaray Farmaajo iyo Rw Itoobiya,iyo War murtiyeedka ka soo baxay-Video

Madaxda dalalka Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa si wadajir ah u soo saaray War Murtiyeed la xiriira booqasho rasmi ah oo uu Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulahi Farmajo maanta ku tagay magaalada Addis Ababa.

War Murtiyeedka ayaa lagu sheegay in ujeedada booqashada Madaxweyne Farmaajo ee dalka Itoobiya ay ahayd mid lagu xoojinayay xiriirka u dhexeeya labada dal, iyadoo labada hogaamiye ay yeesheen wada hadalo miro dhalay ayna labada dhinac isku aragti ka noqdeen arrimaha caalamka.

“Labada hogaamiye waxa ay is dhaafsadeen aragtiyo ku wajahan sidii loo sii xoojin lahaa xiriirka labada dal iyagoo isku raacay in labada dhinacba ay raali ka yihiin xiriirkooda ayna sii adkeynayaan.”ayaa lagu yiri warmurtiyeedkan oo goor dhow soo baxay.  Qoddobada muhiimka ah ee warmurtiyeedkan ku qornaa ayaa waxaa kamid ahaa.

Halkan RIIX DAAWO VUDEO

In labada dal in si xor ah dhaqdhaqaaq ganacsi uu dhex maro, islamarkaana Iskaashi laga yeesho sidii abaaraha loogaga hortagi lahaa.

Dowlada Ethiopia oo soo dhoweysay qorshaha dowlada Soomaaliya ee lagu xoojinayo amniga iyo sii xoojinta dagaalada ururka Al-Shabaab.

labada dal oo isku aragti ka noqday sidii loo xoojin lahaa dhismaha ciidamada Soomaaliya loona diyaariyo in ammaanka dalka kala wareegaan AMISOM.

In ciidamada Booliska la xoojiyo isla markaana la kordhiyo la dagalaanka burcad badeeda ka soo cusboonaatay xeebaha Soomaaliya iyo in shirka London uu noqdo mid ay Soomalidu leedahay iyo qodobo kale.

Waxaa lagu wadaa in wada hadalo dheeraad ah inay labada dhinac ku yeeshaan Xarunta Madaxtooyada.

Madaxweyne Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa booqashada uu ku tegey dalka Itoobiya waxa ay tahay markii labaad oo ay wada kulmaan Ra’iisal Wasaaraha dalka Itoobiya Desalegn  oo ka mid ahaa madaxdii ka soo qeybgashay xafladii lagu caleema saarayay Madaxweyne Farmaajo.

SOMALI NEWS

To Top