WARARKA SOOMAALI

Daawo:Shariif Xasan oo la kulmay Madax ka tirsan Shirkadda DP World iyo Dekeda Baraawe oo miiska saaran-Sawiro

Madaxweynaha Maamulka Koofur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa ku sugan dalka isu tagga Imaaraadka Carabta, isagoo kulamo kula leh Madaxda Shirkadda DP World.

Shirkadda DP World ayaa horay ula wareegtay Dekedaha Berbera iyo Boosaaso oo ay heshiisyo kala gaar gaar ah la gashay Maamulada Puntland iyo Somaliland.

Shirkaddan laga leeyahay dalka isu tagga Imaaraadka Carabta ayaa qorsheyneysa inay la wareegto dhamaan Dekedaha ku yaala Soomaaliya.

Warar ay hesay Shabakadda Horufadhimedia ayaa sheegaya in Madaxweyne Shariif Xasan iyo Mas’uuliyiinta Shirkadda DP World ay miiska isla saareen sidii loo dhisi lahaa Dekeda Baraawe oo ku taal meel istiraatiiji ah.

Labada dhinac ayaa isku afgartay in la qiimeeyo Baraawe, si loo soo arko meelaha maalgashiga u baahan, waxaana la filayaa in DP World ay wafdi qiimeyn ah u soo dirto Baraawe, si ay  arkaan.

Imaaraadka Carabta ayaa xilligan saameyn xooggan ku yeelanaya maamul goboleedyada dalka, iyadoo xiriir dhow la leh Madaxweynayaasha maamuladaas oo horay dalkeeda ugu yeertay

Baraawe oo ka mid aheyd magaalooyinkii qadiimiga ahaa ee Soomaaliya ayaa leh marin caalami ah oo istiraatiiji u aheyd maraakiibta oo ay Transit ahaan u isticmaali jireen xilliyadii bur burka ka hor, iyadoo laheyd buundo badda iyo magaalada afkeeda isku xirta oo lagu magacaabo Jilaani, taasoo ku bur burtay dagaalkii labaad ee Adduunka oo Ingiriiska iyo Talyaaaniga ku dagaalameen.

SOMALI NEWS

To Top