WARARKA SOOMAALI

Deegaamada Gamaha ee degmadda Horufadhi oo magaaleyn xoogan lagu wado & Dhibaato xaga daaqaha ah oo ka dhalan doonta.

Wararka ka imaanaya degmada Horufadhi ee u dhaxaysa Magaalooyinka Buuhoodle iyo Caynaba ayaa waxgaradka deegamadaasi walaac xoogan ka muujiyeen deegaameyn iyo magaalooyin fara badan oo aparta jiho laga qooqabay Horufadhi, odayaashan ayaa sheegay in marka laga reebo deegaan Gocondhaalle aysan jirin deegaan kale oo Gamuhu qaadi karo, balse beelaha reer Buuhoodle oo tartan dhanka deegaameynta ah ku jira si weyna uga soo noqonaya dhulka Hawdka sare ee Ethiopia oo dadkii xoolihii kaga idlaadeen ayaa Aqal, aqal saraan ka dhigay isla markaana hareereeyey Horufadhi.

Tusaale ahaan Horufadhi iyo Buuhoodle oo isku jira 45 ayaa waxa laga hergleiyey ugu yaraan sadex deegaan oo cusub ayadoo awelna ay Sooljoogto u sii dhaxaysa, Yeylle iyo Horufadhina oo ayaguna intaas in le eg isku jira dhanka Bari horeyna Ceegaag iyo Farjanno ugu dhexeeyeen ayaa hada lagu kordhiyey laba deegaan oo midi Kaam tahay.

Sidoo kale ma jiro wax deegaan ah oo laga hergeliyey hanka Waqooyi ee degmada Caynaba iyo Horufadhi u dhaxaysa, balse waxaa aad loo buux dhaafiyey Buuhoodle iyo Horufadhi dhexdooda, Dhilaalo, Banyaal iyo Horufadhi dhexdooda, waxana arintan walaac ka muujiyey xoolo dhaqatada oo sheegay inkastoo xoolihii badankoodii dhinteen hadana waxii hadhay hadeey bataan inaysan jiri doonin meel ay u foofaan , sidoo kale waxa la sameeyey whir goyn xoogan oo deegaanka Naafaysa, ayadoo dhamaan deegamadan la abuurayo lagu dhisayo dhirta oo la jarayo, kuwaasoo waabo iyo agab kale oo hoy ah laga sameysanayo.

Deegamada Yaylle iyo Horufadhi ayaa arintan si weyn uga qayliyey balse dadka soo guurtada ah ayaa u arkay in dhulka laga sheeganayo, taasoo aan sax ahayn.

Isku soo wada duub hadii arintan aan laga horregi waxa nabaad guurweyni gaadhi doonaa deegaanka GAMAHA oo afarta Waryahaad ee xoolaha u roonaa.

[email protected]

SOMALI NEWS

To Top