WARARKA SOOMAALI

Daawo:Shacabka iyo Gaadiidka ku Rafaadsan Wadada Adhi-cadeeye iyo Laascanod iyo Fadexadda Maamulka Somaliland iyo Shirkadaha Dhismaha-Video

Waxaa wali go,an isla markana dhibaato badan ka haysataa Gaadiidka u kala Goosha guud ahaan Gobalada Waqooyiga Sida Hargeysa,Ceerigaabo,Burco iyo Berbera wadada isku xidha Guud ahaan Gobalada waqooyiga iyo Magaalada Laascaanood ee xarunta Gobalka Sool kadib Roobab lixaad leh oo Habeenadii lasoo dhaafay ka da,ay magaalada Laascaanood iyo Nawaaxigeeda.

HALKAN RIIX DAAWO VIDEO

Warbaahinta oo tagtay Duleedka Degmada Adhi-cadeeye oo ah halka ay ka go,an tahay wadadu kadib daadad xoogan ayaa waxaa halkaas kula kulanay Gadiid aad u badan oo halkaas ku xadhiban kadib markii Laamigii uu guud ahaan Burburay oo Daadka kala raacay halka Baabuurta qaar dhibaato weyn kasoo gaadhay kadib markii uu la dumay meelo Hogaag ah oo laamiga ah.

Dadka Gadiidka watay oo ka hadlay dhibta iyo Rafaadka xooga badan ee ka haysta wadada ayaa sheegay in ay ku fashilmeen xubnaha maamulka Soomaaliland ee ku sugan Laascaanood iyo Shirkadaha wadooyinka Qadaraasta oo ay sheegeen in ay yihiin kuwo xagna aan aqoontii wado dhisida lahayn dhana aan daacad ka ahayn jidadka oo shaxaadaya guud ahaan wadada dadkana ku Lugoynaya jay la isa saar saaray.

Maaha markii ugu horaysay ee Maamulka Soomaaliland ee Laascaanood ka arrimiya iyo Shirkadaha Dhimismayaasha wadooyinka Laascaanood qaata ay soo food saarto Fadexadan oo kale ee waa arrin iska caadi ah oo dadku ku yaqanaan waxayna safdheer uga jirtaa Lugooyada iyo Hagardaamooyinka Maamulka Soomaaliland ku hayo shacabka Laascaanood isaga oo kaashanaya Shirkado iyo Ganacsato amarkooda ku shaqeeya oo wada dhiig miiratoi arxan daran ah.

Ugu danabayntii Gaadiidlayda ayaa ugu baaqay maamulka Soomaaliland iyo Shirkadaha Dhismiyaasha waqooyinka in ay arrintan soo noqnoqotay ay wax ka qabtaan isla markaana ka daayaan shacabka dhibka iyo Lugooyada aan loo miidaan dayeyn.

Warark Horufadhi.com.

SOMALI NEWS

To Top