WARARKA SOOMAALI

Daawo:Ra’iisul Wasaaraha Jabuuti oo noqday Beesha Warsangali iyo Booqasho uu ku imaanayo Bariga Gobalka Sanaag-Video

Ra’iisul Wasaaraha Jabuuti C/qaadir Kaamil Maxamed ayaa maanta booqasho ku tagi doona magaalada Hargeysa iyo magaalooyin kale, taasoo noqoneysa booqashadii u horeysay oo mas’uul sare oo ka tirsan Jabuuti ku tago maamulka Somaliland.

Booqashada Ra’iisul Wasaaraha Jabuuti ayaa lagu tilmaamay in aanay aheyn mid siyaasadeed, balse lagu sheegay inay tahay booqasho uu ugu tagayo dadka ay ehelka yihiin oo ku nool Sanaag bari iyo ceerigaabo.

Illaa afar Xildhibaan oo ka tirsan Baarlamaanka Jabuuti ayaa shalay gaaray Hargeysa, kuwaasoo horu-dhac u ah wafdiga Ra’iisul Wasaaraha Jabuuti.

HALKAN RIIX DAAWO VIDEO

Wasiirka Kaluumeysiga Maamulka Somaliland Cali Jaamac ayaa sheegay in Ra’iisul Wasaaraha Jabuuti uu tagi doono Ceerigaabo iyo Sanaag bari, isla markaana u tagi doono tolkiisa.

“Waxaan ku soo dhoweyneynaa, shaar dowladnimo iyo shaar reernimo, Ra’iisul Wasaaraha Jabuuti tolkiisa ayuu u imaan doonaa oo degan Sanaag Bari iyo Ceerigaabo”ayuu yiri.

SOMALI NEWS

To Top