WARARKA SOOMAALI

Daawo:Gabadh Soomaaliyeed oo doonaysa in ay Guursato Nin Xaasas badan leh,Horayna u soo Guursatay Nin Sadex Xaas leh-Video

Gabar Soomaaliyeed oo lagu magacaamo Xaliimo Muxumed ayaa soo jiidatay indhaha dadka Soomaaliyeed kadib markii ay sheegtay iney jeclaan laheyd kaliya iney guursato nin xaasas leh.

HALKAN RIIX DAAWO VIDEO

Wareysi ay siisay gabadhan oo joogta Ingiriiska BBC-da ayay ku sheegtay iney horey usoo guursatay nin afar xaasle ah haatana ay raadineyso nin xaasas leh maadaama ay ninkii hore kala tageen.

“Wuxuu qabay sedex xaas aniga ayaa noqday tii afarad” ayay tiri Xaliimo oo ninkaas kusoo guursatay Soomaaliya laakiin markii uu furay kadib ayuu kusoo laabtay London.

“Waxii ugu adkaa oo aan dhihi karo waa sugitaanka ilaa laga gaarayo halkeyga, marka hal habeen halkan ayuu joogaa, habeenka kale halkas iyo habeen kale halkaa”.

Gabadhan ayaa sheegtay iney aamisan tahay in ninka xaasaska badan leh uu yahay nin qaadi kara masuuliyada xaasaskiisa sidaasna ay udalbaneyso nin xaasas kale leh.

Go’aanka gabadhan ayaa ka yaabiyay dad badan, maadamaa dumarka ay si weyn udiidaan in ragooda ay xaasas kale la guursadaan ama ay adag tahay in haweeney ay ogolaato guurka nin xaasas kale leh.

SOMALI NEWS

To Top