WARARKA SOOMAALI

Daawo:Baabul Camay iyo Buuhoodle“Maalmihii adkaa soodigii maqnaa,,iyo Cusbitaalka Daryeel oo loo Diiday Saaka Fadeexad-Video

Booqashadii Maalintii Shalay Buuhoodle uu ku yimid Cabdixakiin Cabdilaahi Xaaji Cumar oo Baabul Loo Yaqaano ayaa Waxay ahayd mid Dadka Shacabka Gobolka Cayn ay si Wadajir ah uga Falceliyeen iyagoo sheegay in Booqashada Camay ee Buuhoodle Maanta ay u Eg Tahay nin soo Naq Raacay oo isku Soo Beegay Xiligii Roobka Meeshii uu Gobolka Booqan Lahaa Maalmihii Adkaa (Abaartii).

HALKAN RIIX DAAWO BEENTA BAABUL CAMEY

Dhanka kale Cabdixakiin Camay Waxaa Markii Buuhoodle uu yimid uu Qabtay Shir Jaraa id oo uu Saxaafada kula Hadlay Waxaana uu sheegtay Waxqabad Fara Badan isaga oo sheegay Buuhoodle in ay Tahay Magaalada Koobaad ee Puntland ah ee isaga iyo Cabdiwali gaas Waxqabadka ugu Badan ay ka Sameeyeen Cajiib.

Sidoo kale Mr Camay Wuxuu Markii uu Buuhoodle yimid Weerarka ah ku Qaaday Saleebaan Xagla-toosiye Taas oo wax badan Qabtay Maalmihii adkaa ugu Yaraana Afar jeer Gobolka yimid isaga oo Gargaaro kala duwan iyo dhakhaatiir Gobolka Keenay si ay Dadka uga Caawiyaan Xanuunka shubanka Halka Xiligaas Baamul Camay oo Garoowe Mashaariic Laga Fuliyey uu Xadhiga ka Jarayey oo uu Maqas La Daba Taagnaa.

Xagla-toosiye oo  Diiday in Baabul   uu Booqdo Bukaanada Jiifa Dhakhtarka Xagla-toosiye.

Saleebaan Ciise Axmed Xaglatoosiye ayaa Diiday Dhakhtarkiisa uu Booqdo Cabdixakiin Cabdilaahi Xaaji Cumar iyo Wafti uu Hogaaminayo Sababtuna Waxay Tahay Cabdixakiin Cabdilaahi Xaaji Cumar ayaa Shalay Weerarka ah ku Qaaday Xaglo Taasina Waxay Dhashay Tan Saaka Dhacday ee loo Diiday Cabdixakiin Cabdilaahi Xaaji Cumar inuu Booqdo Bukaanada Jiifa Daryeel Hospital.

Xiligii Xanuunka iyo Abaarta Muxuu Gobolka Cayn u Qabtay Baabul Camay?

Jawaabta Su,aashaasi Waxaan Filayaa in ay Tahay Mid dhow Waxaanan Garan karaa in La Wada og yahay inuu ka Gaabiyey Waxqabadkii Dadka uu kasoo Jeedo oo ku Jira Xili adag oo Xanuuno iyo abaaro isugu Darsameen.

Dhibka Haystay Dadka Gobolka Cayn Waxaa ka Damqaday Maamulo Somaliland iyo Dawlada Fadaralka ee Soomaalia ay ka mid Tahay iyo Dawlado Shisheeye Sida Imaarat Kuwait iyo kuwo kale Mana jirin Wax La Taaban Karo oo Puntland iyo Gaar ahaan Xafiiska Cabdixakin Camay kasoo Baxday oo Buuhodle Soo Gaadhay Marka Laga Reebo isaga oo Roob Dabadii Buuhoodle yimid Waayeyna Meel uu Biyo ka Maro.

Shirkiisii Jaraa,id ee Shalay Muxuu ku sheegay Baabul Camay?

Kadib Markii uu Buuhoodle Shalay Soo Gaadhay Cabdixakiin Cabdilaahi Xaaji Cumar Waxaa uu sheegtay inuu Buuhoodle Waxqabad Badan ka Qabtay isaga oo ku Faanay inuu Gobolka Cayn yahay kan ugu Hareeya ee Puntland iyo Cabdiwali gaas ka Qabteen Waxqabad Fara Badan oo ay ka mid Yahay Wadada Laamiga ah ee Buuhoodle dhexmarta Guriga Odayaasha iyo Labo Qol oo Xadhadhanka ah Taasi oo ku Tusaysa in Waxbad aan jirin oo uusan Fulin uu sheegtay Waayo Waxaa uu sheegtay inuu isagu Qabtay Waxaa Qabatay Hay,adda Magaceeda loo Soo Gaabiyo (DDG).

Hay.aada DDG ee Dhistay laamiga Buuhoodle Ma Puntland-Baa?

Jawaabtu Waa Maya oo Waa Hay,add Samafal oo Laga Leeyahay Wadanka Denmar Waxayna Mashaariic ka Fulisay Magaalooyinka Buuhoodle Taleex Baydhabo iyo Laascaanood Mana ah Hay,add Puntland ka dhex Shaqaysa ee Waa Hay,add Madax Banaan ee Caalami ah Waana Taas Ta uu Waxqabadkeeda Sheegtay Cabdixakiin Cabdilaahi Xaaji Cumar!!!!.

Xaglatoosiye oo uu Weeraray Xili Xaglo ka Waxqabad Badan yahay isaga!!

Dhanka kale Waxaa uu Cabdixakiin Cabdilaahi Xaaji Cumar Weerar afka ah Shalay ku Qaaday Saleebaan Ciise Axmed Xaglatoosiye Waxaana uu sheegay in uusan Wax Badan Qaban Hadalkaas oo an aan Sal iyo Raad Toona Lahayn Waayo Xagla-toosiye Waxaa uu Gobolka Cayn yimid intii Xanuunka Shubanku Bilaamay 4 Jeer Markastana Waxaa uu Waday Daawooyin Raashin Dhakhaatiir Caafimaad iyo Lacag Waxaa uu Furay oo Albaabada u Balaqay Dhakhtarkiisa uu shikhsiga u lee Yahay Waxaana uu u Ogolaaday Ciskasta ay la keeno Dhakhtarkiisa Xiligaas Cabdixakiin Cabdilaahi Xaaji Cumar Wuxuu Mashaariic laga Hirgaiyey Gobolada Puntland ka Jarayey Xadhiga Xili Gobolka Cayn ee uu kasoo Jeeday ay Duruufo adagi haysteen!!!.

Garoonka Diyaraadaha Buuhoodle iyo Hadalkii  Baabul Ma Xusuusataa?

Cabdixakiin Cabdilaahi Xaaji Cumar Baabul oo ka Hadlayey Magaalada Garoowe ayaa Waxaa uu sheegay in Garoonka Diyaaraha e Buuhoodle aysan Diyaaradi Tagi Karin isaga oo isku Dayey inuu Khal-khal Galiyo Dadkii ajaanibta ahaa ee Caawinayey Dadka Gobolka Cayn ee Xanuunka Shubanku Halakeeyey Hadalkaasina Wuxuu ahaa mid Fadeexad ku ah arrimaha bini,aadanimada Dadka Qaar waxay Puntland iyo Baabulkeeda ka Filayeen in ay Gobolka usoo Gurmadaan laakiin Hadalkaas ayaa Noqday Hadalka Sanadka (Ward of the year) Waana Wax Meel ugu Qoran puntland iyo Baabul.

 

Hada Muxuu u Waday Gobolka Cayn Cabdixakiin Cabdilaahi Xaaji Cumar (Baabul)

Sidii uu Sheegay Shalay Waxaa uu Waday Raashin iyo Labo Tan oo Daawo ah oo uu sheegay in Raashinka ay leeyihiin Ciidanka Puntland ku Magacaaban Laakiin Su,aashu Waxay Tahay Maanta oo Wadanku Buuxa Muxuu Tarayaa Raashin Yar oo Puntland oo Soo dhiibtay Maamlmihii Adkaase Xagay Jirtay Puntlan iyo Baabulkeedu? Hadase Ma roobka ayay Soo Aadeen? Tani miyeysan ahayn Booqashadii Sanadka (Visit of The Year) Cajiib.

Sidee Shalay Loogu Soo dhoweeyey Buuhoodle Cabdixakiin Cabdilaahi Xaaji Cumar?

Waxaa loo Soo Dhoweeyey Sifiican Laakiin Taasi Kama Turjumayso in Deegaanku Jecel yihiin Puntland ee Waxaa loo Soo Dhoweeyey oday reer Buuhoodle Waxaase jiray Dadkale oo Kabo kusoo Dhoweeyey Waana Markii Sadaxaad oo Kabo Lagu Soo dhoweeyo Cabdixakiin Cabdilaahi Xaaji Cumar (Babul) Gudaha Buuhoodle.

Maalmihii adkaa Sowdigii Maqnaa Maxaa Maanta Yaal!

Maalmihii adkaa Ragii Dhuuntay Gobolka Cayn iyo Dariskuba Waa og yihiin Waxaana Muujinaysa oo Qoraysa Taariikhda oo aan iyadu Waxba Dhaafin Waxaanan Ilaawi Doonin Hadaladii Qalafsanaa ee Puntland iyo Raga la shaqaysta kasoo Yeedhayey Maalmihii adkaa iyo Sheegashadii Beenta ahayd ee la odhan jiray Tol ayaynu Nahay Gobollad Bariga Somalia (Puntland).

Gunaanadkii Qormadan iyo Mahadcalin Cidkasta oo Gobolka Cayn usoo Gurmatay Maalmihii Adkaa Waxaan Qormadan ilaahay kas Sow uga Mahadcelinayaa Cidkasta oo usoo Gurmatay Gobolka Cayn Sida Somailand Khaatumo Dawlada Somalia Kuwait Qadar Gobolka Mudug Gobolka Sool Waxaanan ilaawi Doonin Caruurtii Yar yarayd reer Burco ee Schoolka Dhinayey ee Damiirku u Damqaday inay Soo Caawiyaan Walalahooda Gobolka Cayn Sidoo kale Shaqaalaha Garoonka Diyaaradaha ee Cigaal ee Hargaysa.

Kalshaale.com

SOMALI NEWS

To Top