WARARKA SOOMAALI

Daawo:Ahlu-suna oo Banaanka keentay Sababtuu u burburay wada hadalkii Galmudug iyo Wasiir Yuusuf Garaad oo faraqa loo sudhay sababta-Video

Masuuliyiinta ururka Ahlusuna ee Gobolada Dhexe ayaa bixinaya macluumaad dheeri ah oo ku saabsan sababtii ka dambeysay in uu bur buro wada hadalkii u dhaxeeyay Ahlusuna iyo Galmudug, taasi oo garwadeen ay ka aheyd Dowladda Federaalka.

Saadaq Sheekh Yuusuf oo ah Guddoomiyaha Baarlamaanka Maamulka Ahlusuna ee Gobolada Dhexe ayaa warbaahinta u sheegay sababta ka dambeysay wada hadalkaasi in ay tahay asal ahaan in Dowladda Dhexe iyo Maamulka Galmudug ay ku heshiin waayeen qaabka awood qeybsiga Galmudug ay ka helayaan Maamulka Gobolada Dhexe.

HALKAN RIIX DAAWO VIDEO

Sidoo kale Guddoomiyaha Baarlamaanka Maamulka Ahlusuna ee Gobolada Dhexe Saadaq Sheekh Yuusuf ayaa sheegay in markii hore Ahlusuna ay dalbatay Madaxweynaha Galmudug, balse arrintaasi la isku fahmi waayay.

Wada hadalkii u dhaxeeyay Galmudugh iyo Ahlusuna ayaa lagu madalsan yahay in uu dib u bilowdo Doorashada Madaxweynaha Galmdudug kadib, inkastoo aanan la ogeyn sida Ahlusuna ay dib ugu aqbali doonto in markale ay miiska wada hadalka ay ula soo fariisato Galmudug

SOMALI NEWS

To Top