WARARKA SOOMAALI

Daawo:R/waasare Khayre oo Waxbarashada ka bixinaya 100-arday oo awoodi wayay in ay Jaamacad Tagaan-Video

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa u balan qaaday waxbarasho Jaamacadeed ku dhowaad 100 arday oo dhowaan ka baxay Dugsiyada sare ee magaalada Baydhabo.

Xildhibaan Idiris Cabdi Dhakhtar oo ka tirsan Golaha shacabka oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in Ra’iisul Wasaaraha uu mushaarkiisa ka bixin doono kharashka ku baxa Waxbarashada Jaamacadeed ee 100-ka Arday.

HALKAN RIIX DAAWO VIDEO

“Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre wuxuu balan-qaaday inuu mushaarkiisa ka bixin doono waxbarasho Jaamacadeed 100 arday oo dhowaan ka baxday Dugsiyada Sare ee magaalada Baydhabo”ayuu yiri Xildhibaan Idiris Cabdi Dhakhtar.

Dhinaca kale Xildhibaanka ayaa sheegay in kormeero uu dhowaan ku tagay deegaano ka tirsan Gobolka Baay ay ka jirto xaalado bani’aadanimo, isla markaana uu kala hadlay Xukuumadda sidii gargaar iyo biyo dhaamin looga sameyn lahaa deegaano ay ka jirto biyo la’aan oo ka tirsan degmada Buurhakaba.

 

SOMALI NEWS

To Top