WARARKA SOOMAALI

Daawo:RW Khayre oo ku dhaartay in uu u dhiman doono bad baadinta Dalka Somalia-Video

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa maanta daah-furay kulan wadatashi labo cisho ah oo ay xubnaha Golaha Wasiirada ku dar-dargelinayaan waxqabadka Xukuumadda, Waxaana Kulanka lagu Gorfeeyay qorshe-howlleedka xukuumada iyo sidii qorsheyaasha wasaaradaha ay u noqon lahaayeen kuwo mideysan oo ka tarjumeysa barnaamijka xukuumadda.

HALKAN RIIX DAAWO VIDEO

Sidoo kale ujeedada kulankan wadatashiga ah ayaa ah dhaqangelinta barnaamijyada isku xirka bulshada iyo daawladda, loogana hadli doonaa sidii loo dhaqangelin lahaa dawlad wanaag, isla xisaabtan, furfurnaan iyo u-adeegidda bulshada Soomaaliyeed.

Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa sheegay in Wasiirada looga fadhiyo inay u adeegaan shacabka Soomaaliyeed. “Xukuumaddu waa inay horumuud ka noqotaa dardargelinta waxqabadka dowladda si loo kordhiyo kalsoonida shacabka oo muhiim u ah hirgelinta barnaamijka xukuumada. Aniga ka Ra’iisul Wasaare ahaan waxaan diyaar u ahay inaan furumaha dagaalka tago oo aan ciidanka geesiyaasha la wadaago daruufaha adag oo ay ku howlgalayaan, waxaana diyaar u ahay Wallaahay inaan nafteyda ku waayo oo aan u huro difaaca shacabka.” Ayuu yidhi.

Kulankan wadatashiga ah ee labada cisho ayaa lagu lafagurayaa arrimaha ay dowladu siisay mudnaanta sida ka hortaga abaaraha, soo celinta amniga & nabadeynta, kobcinta dhaqaalaha, la dagaalanka musuqmaasuqa, gaarsiinta doorashooyin hal cod iyo hal qof ah, dib-u-heshiisiinta, midnimada ummadda Soomaaliyeed iyo xiriirka caalamiga ah. Khubaro ku xeel dheer arrimaha mudnaanta leh ayaa jeedin doona casharo wasiirada loogu sharaxayo xaalada dalka iyo sida loo gaari karo in waxqabad dhab ah lala yimaado.

SOMALI NEWS

To Top