WARARKA SOOMAALI

Daawo:Ra,iisul Wasaare Soomaaliya oo si adag uga hadlay Weerarkii Dadka badan ku Dhamaadeen ee Piza House-Video

Ra’iisul Wasaaraha  Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa ka hadlay weerarkii  lagu qaaday Maqaaxidaha posh Treats iyo Piza House.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in uu aad ugu xun yahay qaraxa dhacay iyo khasaaraha ka soo gaaray dadka Soomaaliyeed ee halkaasi ku sugnaa.

“Halkaan anagoo fadhina ayaad maqleyseen in uu qarax dhacay hada, qof walbo oo idinka idin ka mid ah telefoonkiisa ayuu ku booday kulligeen waan damqananay, waxaa laga yaabaa qaraxaasi in dad Soomaaliyeed ay wax ku noqdeen ayuu yiri Xasan Cali Khayre”.

HALKAN RIIX DAAWO VIDEO

Waxa uu dadka Soomaaliyeed ugu baaqay in meel looga soo wada jeesto ka hortaga qaraxyada ka dhacaya dalka iyo dhibaatada dadka Soomaaliyeed lagu hayo.

“Waxaan aqbalnay in qarax dhaco oo aan ka cararno, in qof meel lagu dilo oo aan ka aamusno taasina macquul ma ahan, waa in aan Ciidamada ammaanka la shaqeynaa ayuu yiri mar kale Ra’iisul wasaaraha”.

Hadalkaan ayuu Ra’iisul Xukuumada Soomaaliya Xasan Cali Khayre ka sheegay kulan ka socday Madaxtooyada Soomaaliya xilliga uu qaraxu dhacayay.

 

 

SOMALI NEWS

To Top