WARARKA SOOMAALI

Daawo:Khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay weerarkii iyo Qaraxyadii Pizza House iyo Posh Treats,Barnaamij gaara-Video

Ciidanka sida gaarka ah u tababaran ee gaashaan ayaa saaka soo afjaray howlgal ay tan iyo xalay ka wadeen maqaayadaha Pizza House iyo Posh Treats ee magaalada Muqdisho, halkaas oo ay maleeshiyo ka tirsan Al-Shabaab xoog ku galeen.

Saraakiil ka tirsan ciidanka amniga Soomaaliya oo ku sugan goobta ay shaqaaqadu ka dhacday ayaa u xaqiijiyey Shabakadda wararka ee Horufadhi.com in la dilay dhamaan maleeshiyada weerarka ku qaaday labada maqaaxi oo ku yaala degmada Hodan.’

HALKAN RIIX DAAWO VIDEO

Saraakiisha ayaa sheegay in maleeshiyada weerarka soo qaaday ay ahaayeen shan nin, kuwaasoo dhamaantood la toogtay, kadib saacado badan oo rasaas is weydaarsanayeen ciidamada Gaashaan ee Soomaaliya.

Ugu yaraan 16 qof ayaa ku dhimatay 26 kalena way ku dhaawacmeen weerarka ay Al Shabaab ku qaaday labada maqaaxi.

Weerarkan ayaa ku bilowday baabuur uu watay qof isa soo miidaamiyey, waxaana xigay dablay hubaysan oo gudaha u gashay Pizza House.

Mas’uuliyiinta degmada Hodan ayaa Horufadhi Media News u sheegay in ugu yaraan 16 qof ay dhinteen. Ambalaasyada Aamin Ambalaas ayaa iyaguna sheegay inay daad gureeyeen 26 qof.

SOMALI NEWS

To Top