WARARKA SOOMAALI

Daawo:Ciidamada Gaashaan oo soo Afmeeray weerarkii Pizza House Posh Treats iyo Dhacdooyin xanuun badan oo ka dhacay meesha-Video

Ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Gaashaan ayaa goor dhow oo saaka ah soo gaba gabeeyay howl galkii ka socday Maqaayadda Pizza House, kaddib howl gal qaatay saacado oo tan iyo xalay ka socday gudaha Maqaayadda.

Qarax xooggan oo xalay fiidkii ka dhacay nawaaxiga labada maqaayad ee Posh Treats iyo Pizza House ayaa geystay khasaare aad u fara badan, iyadoo markii dambena ay gudaha maqaayadda Pizza House galeen dabley hubeysan oo ka tirsan Al-Shabaab.

HALKAN RIIX DAAWO VIDEO

Dableyda hubeysan iyo ciidamada ammaanka ayaa muddo saacado ah ku dagaalamayay gudaha maqaayadda, isla markaana howl galka inuu dheeraado sababay maqaayadda oo aheyd mid mugdi ah, kooxdii gudaha u gashayna ay ku dhuumaaleysanayeen.

Saraakiil ka tirsan laamaha ammaanka ayaa sheegay in la toogtay dhamaan raggii gudaha u galay, isla markaana xaalada ay iminka gacanta ku hayaan ciidamada ammaanka.

Illaa 18 ruux ayaa ku dhintay weerarkii xalay lagu qaaday labada Maqaayad ee Posh Treats iyo Pizza House, halka 20 kalena ay ku dhaawacmeen.

Maqaayadda Pizza House ayaa waxaa saaka laga soo saaray meydadka lix gabdhood oo labo ka mid ah ay isla dhasheen, kuwaasoo xalay lagu dilay gudaha Maqaayadda.

Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarka, waxaana qoraal ka soo baxay oo laga aqriyay idaacada afkooda ku hadasha lagu sheegay inay weerareen Maqaayadda Posh Treats oo aheyd maqaayad lagu caweeyo oo ay ka shaqeeyan shaqaale ajnabi.

 

SOMALI NEWS

To Top