WARARKA SOOMAALI

Daawo Video:Madaxweyne Farmaajo oo si adag uga hadlay weerarkii lagu xasuuqay shacabka Soomaaliyeed ee xalay ka dhacay Pizza House…

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa si kulul uga hadlayay weerarkii Maqaayadda Pizza House, halkaasoo lagu dilay dad u badnaa rayid oo ay ku jireen gabdho yar yar oo walaalo ahaa.

Madaxweynaha oo la hadlayay Warbaahinta dowladda ayaa yiri “Waxan ka tacsiyaynayaa dadkii xalay ku geeriyooday weerarkii naxariis darrada ahaa ee kooxda Al Shabaab ay ka geysteen goobo ay dadka shacabka ah isugu yimaadaan. Dadkaasi waxay ahaayeen dad shuhado ah oo bil Ramadaan la dilay, waliba xilli ay farxaddii afurka ku jireen.”

HALKAN RIIX DAAWO VIDEO

“Waa arrin laga murugooda in bil barakeysan, waliba 10kii dambe dad Soomaaliyeed oo aan waxba galabsan in la laayo, waliba lagu faano ayada oo shaar diimeed la huwanyahay.”

“Cadawogan waa mid noo diidan inaan faraxno, inaan nabadgalyo helno, inaan shucuubta dunida la jaanqaadno, in qoysaska Soomaaliyeed ay nabad ku soomaan, nabadna ku afuraan.”

“Goobtii ay xalay weerareen waa meel ay inta badan isugu yimaadaana dhallinyarada dugsiyada sare iyo jaamacadaha ee ay da’dooda u dhaxeyso 15 ilaa 25. Aan is waydiinno maxaa loo laynayaa dhallinyaradaas? Ma ciidan baa? Ma Dowladbaa? Jawaabtu waa maya. Waxaa loo laynayaa maxaad u faraxsantihiin. Maxay rajo dowladnimo idiin gashay. Maxaad fikirka xagjirka ah u qaadan la’dihiin!

“Waxaa jira ciidamo maalin iyo habeen dariiqyada taagan si ay amniga shacabka u sugaan. 20kii malamood ee Soonka waxaa laga hortagay falalkan noocan oo kale ah. Waxayna ku timid wada shaqeynta shacabka iyo hay’ada ammaanka. Wadashaqyentaas waa in lasii xoojiyaa. Dabar go’a Al shabaab wuxuu ku xiranyahay isku soo dhawaanshaha hay’adaha amniga iyo shacabka.”

Illaa 20 ruux ayaa ku geeriyootay weerarkii xalay, Kooxda Al-Shabaa ayaa sheegatay mas’uuliyada weerarkaas oo ahaa kii ugu khasaaraha badnaa ee Al-Shabaab bishan Ramadaan ka geysato magaalada Muqdisho.

 

SOMALI NEWS

To Top