WARARKA SOOMAALI

Daawo:Qarjab Wasiirka Amniga maamulka Garoowe oo ka Been sheegay Khasaaraha Dagaalkii maanta“Dumar iyo Odayaal baa la Xasuuqay,,-Video

Wasiirka Amniga Maamulka Garoowe ee Puntland Qarjab oo maanta markii xaaladu meesha adag maraysay shir jaraa,id ku qabtay gudaha magaalada Garoowe ayaa sheegay isla markaana beeniyey Khasaarihii xooganaa ee maanta kasoo gaadhay dagaalkii cuslaa ee Al-shabaab ku qaadeen deegaanka Af-urur isla markaana ay ku dileen tiro badan oo ka tirsan Ciidamada maamulkaas uu Hogaamiyo Cabdiweli Gaas ee Puntland.

HALKAN RIIX DAAWO VIDEO

Qarjab ayaa dhex fadhiistay Beentii ugu weynayd kadib markii uu sheegay aysan waxba ka jirin in Dagaalkii duleedka magaalada Boosaaso aysan wax Ciidan ah looga dilin dagaalka isla markaana ay Shabaabku laayeen Caruur,Odayaal iyo Dumar waa sida uu hadalka u dhagaye.

Hadalkan ayaa waxaa uu u muuqdaa mid Xaqiiqda ka fog isla markaana Beeninanaya Khasaaraha kasoo gaadhay Maamulka Puntland dagaalkii Cuslaa ee maanta.

Sida ay warbaahinta Horufadhi xog ku heshay Dadka waxaa dhintay waxaa ku jira saddex sarkaal oo ka tirsan ciidamada daraawiishta ee Puntland.Qarjab ayaa qarinaya Dhimashada Saaraakiisha sare ee manta dagaalka uga dhinta Puntland.

Al-Shabaab ayaa sheegatay in 61 askari ay ka dileen maamulka Puntland,Sida ay baraha Bulshada ee ay adeegsadaan ku baahiyeen

Cisbitaalka degmada Carmo ayaa waxaa la sheegayaa inay la gaarsiiyay in ka badan 20 askarta Puntland ka tirsan oo dagaalka ku dhaawacmay.

Wararka Horufadhi.com

 

 

SOMALI NEWS

To Top