WARARKA SOOMAALI

Daawo:Khalkhal Siyaasadeed iyo mid Amni oo soo wajahay maamulka Garoowe Wasiir is Casilay maanta iyo Gaas oo niyad jabay-Video

C/wali Seed Cilmi oo maalmo ka hor uu Madaxweynaha Puntland u magacaabay wasiiru dowlaha Xanaanada xoolaha ee maamulkaas ayaa xilkaas iska casilay maanta.

Sababta uu xilkan iskaga casilay ayuu ku sheegay C/wali Seed Cilmi cadaadis kaga yimid beeshiisa oo saluugsan xilkan la siiyey.

“Waxaan go’aansaday inaan xilkan iska casilo si aan u aqbalo dalabka beesheyda” ayuu yiri C/wali Seed Cilmi oo saxaafada kula hadlay magaalada Garoowe.

HALKAN RIIX DAAWO VIDEO

C/wali Seed Cilmi ayaa horey u ahaa wasiir ku-xigeenka Xanaanada xoolaha ayaa waxaa loo magacaabay wasiiru dowlaha isla Wasaaradaas ka dib wareegto ka soo baxday xafiiska Madaxweynaha Puntland, isagoo ka mid ahaa wasiiro badan oo wareegtadaas lagu magacaabay.

Is casilka wasiirkan ayaa kusoo beegmaya xili u maamulka Puntland wajahayo Caqabado siyaasadeed oo xoogan dhan amni iyo dhaqan dhaqaalle intaba ka hor inta uusan wasiirkan is casilin waxaa jirtay in maanta uu Gaas kulan deg deg ah ku lahaa madaxtooyada Garoowe qaar kamid ah wasiiradiisa taas oo iyana is casiladaa wasiirka saameyn ku yeelan karta.

 

SOMALI NEWS

To Top