WARARKA SOOMAALI

Daawo:Puntland oo Fashilisay Shir Caalami ah iyo Wasiirka Kalluumeysiga oo Nasiib daro ku tilmaamay-Video

Wasiirka Wasaaradda Kalluumeyisga dowladda Soomaaliya Cabdiraxmaan Maxamed Xaashi oo la hadlay Warbaahinta ayaa waxaa uu sheegay in Puntland ay fashilisay shir caalami ah oo looga hadli lahaa Kalluumeysiga Soomaaliya oo lagu waday in lagu qabto Shiishalis.

HALKAN RIIX DAAWO VIDEO

Wasiirka ayaa sheegay in Muqdisho ku yeesheen Shir Wasiirada Kalluumeysiga maamul goboleedyadda oo looga hadlaayay sida loo qeybsanaayo Kheyraadka badda.

Sidoo kale waxaa uu tilmaamay in Puntland ay sheegtay in ay qaadanayso Saamiga ay leedahay dowladda Soomaaliya oo kale, taasina ay tahay wax laga xumaado.

Dhammaan maamulada kale ee ka jira dalka ayuu sheegay in dowladda Soomaaliya ay isku afgarteen Saami qeybsiga marka laga reebo maamulka Puntland.

Shirkaan Caalamiga ah oo looga hadli lahaa Kalluumeysiga ayuu xusay Wasiirku in la joojiyay ka dib markii Puntland ay codsatay in lasiiyo Saamiga dowladda oo kale.

SOMALI NEWS

To Top