WARARKA SOOMAALI

Madaxweyne Farmaajo oo Saaka Safarkiisii 8aad Dalka uga baxay iyo Wadanka uu ku jeedo-Akhriso

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa saaka u ambabaxay magaalada Riyadh ee Boqortooyada Sacuudi Carabiya, halkaasoo uu uga qeyb galayo shirka Madaxda wadamada Islaamka iyo Madaxweynaha Mareykanka.

Madaxweyne Farmaajo oo lagu waday in shalay oo sabti ah uu u ambabaxo Sacuudiga ayaa ka baaqday, kaddib markii diyaaradii qaadi laheyd ay soo daahday.

Safarka Madaxweynaha ku aaday Sacuudiga ayaa noqonaya kii labaad, iyadoo dhamaadkii bishii February uu booqashadiisa u horeysay ku tagay, todobaadyo kaddib markii la doortay.

Inta badan Madaxda wadamada Islaamka ayaa gaaray magaalada Riyadh, iyadoo shalay Madaxweynaha Mareykanka Donald Trumo uu ka degay magaaladaas, halkaasoo uu si weyn ugu soo dhoweeyay boqorka Sacuudiga.

Ku dhowaad 50 hogaamiye oo wadamada Islaamka ayaa Shir Madaxeedka ka qeybgali doona oo ah mid ka duwan shirarkii hore loogu yiqiinnay qaban-qaabintooda Ururada Iskaashiga Islaamka iyo Jaamacadda Carabta.

Shirkan oo diiradda lagu saarri doonno la dagaalanka argagaxisada ayaa waxaa barbar socon doona kulamo gaar gaar ah oo Madaxweynaha Mareykanka la yeelan doono Boqorka Sacuudiga, Boqorrada iyo Madaxda Wadamada Gacanka Carbeed, Soomaaliya, Djibouti iyo kuwa kale.

 

SOMALI NEWS

To Top