WARARKA SOOMAALI

Daawo:Muxuu Ra’iisu Wasaare Khayre ka yidhi Shirkii Madaxda Maamulada iyo Dowladda uga socday Muqdisho-Video

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa sheegay inuu soo dhaweynayo bilaha soo socda sidii looga wada shaqeyn lahaa sidii dalka loo xoreyn lahaa, kadib khudbad uu xalay ka jeediyay shirka Dowladda dhexe iyo Dowlad Goboleedyada.

HALKAN RIIX DAAWO VIDEO

Wuxuu sheegay Ra’iisul Wasaare Khayre in Xukuumadda Federaalka ay ka go’an tahay in ay la shaqeyso xubnaha kale ee Wasiirada Dowlad Goboleedyada, sidoo kalena la dar dar geliyo shaqooyinka kale.

Khayre ayaa sheegay masuuliyadda maanta na hortaagan in laga rabo qfo walba oo Soomaaliyeed, wuxuuna shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in dhammaan ay ka qeyb qaataan dagaalka ka dhanka ah ururka Al-shabaab.

“Waxaan soo dhaweynayaa fikirka ah bilaha soo socda in kuligeen aan ka wada shaqeyno sidii loo xoreyn laha dalka, sida uu ku baaqay Madaxweynaha, Xukuumadda waxaa ka go’an in ay la shaqeyso xubnaha kale ee Wasiirada Dowlad Goboleedyada.” Ayuu yiri Khayre.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa sidoo kale sheegay Dowladnimada in laga balaarin doono Xamar, lana gaarsiin doono dhammaan Gobolada dalka.

Shirka Dowladda dhexe iyo Dowlad Goboleedyada uga socda magaalada Muqdisho ayaa waxaa la filayaa in lagu dhameeyo mad madowga yar yar ee ka dhexjira labada dhinac iyo qodobo kale oo ay ka mid yihiin xoojinta ammaanka dalka.

 

SOMALI NEWS

To Top