WARARKA SOOMAALI

Daawo:Cabdiweli Gaas“Dalku wuxuu u baahan yahay Xasilooni Siyaasadeed,,Shirkii Muqdisho-Video

Madaxweynaha Maamulka Puntland C/wali Maxamed Cali (Gaas) oo qeyb ka ah Madaxda ka qeyb galeysa shirka u dhaxeeya Dowladda dhexe iyo Dowlad Goboleedyada ee ka socda Muqdisho ayaa sheegay dalka inuu u baahan yahay xasilooni amni, si taasi loo gaarana la doonayo in la helo xasilooni siyaasadeed.

HALKAN RIIX DAAWO VIDEO

Wuxuu sheegay Gaas hadii la doonayo xasilooni siyasadeed in ay ku imaaneyso wadatashi, isku imaatan, iyo in dalka uu helo xasilooni, wuxuuna ku baaqay in wadajir la noqdo.

Madaxweyne (Gaas) ayaa sheegay inaan loo baahneyn is qab qabsi joogto ah, oo laab lakac ah, wuxuuna tusaale u soo qaatay Dowladihii ugu dambeeyay oo uu sheegay inuu ka dhexjiri jiray khilaaf aan micno ku fadhin.

Hoggaamiyaha Puntland ayaa ku baaqay muhiim in ay tahay Dowladda dhexe iyo Dowlad Goboleedyada in ay u midoobaan dagaalka ka dhanka ah ururka Al-shabaab, si guud ahaan dalka looga saaro.

Shirka Dowladda dhexe iyo Dowlad Goboleedyada ee ka socda Muqdisho ayaa waxaa ajandiyeyaasha looga hadlayo ka mid ah, xiriirka labada dhinac, xaalada ammaan ee dalka, arrimaha Dastuurka, iyo sidii dalka ay uga dhici laheyd, doorasho qof iyo cod ah.

 

SOMALI NEWS

To Top