WARARKA SOOMAALI

Daawo:Madaxweyne Farmaajo oo Khudbad aan hore loo arag ka jeediyey Shirkii Muqdisho“Aniga dagaal waa iclaamiyay, laakiin 10 sano ayuu dalka dagaal ku jiray”-Video

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed Farmaajo ayaa khudbad dhinacyo badan taabaneysa ka jeediyey Shira wadatashiga ee ka furmay magaalada Muqdisho kaasi oo u dhaxeeya dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Maamulada dalka.

Madaxweyne Farmaajo Khudbaddiisa waxa uu kaga hadlay xaaladda guud ee dalka oo ay ugu horeyso ammaanka gaar ahaanna dagaalka lagu soo af jarayo argigixisada usoo tafa xeydatay daadinta dhiiga shacabka Muslimiinta ah ee Soomaaliyeed iyo sida dagaalkaasi uu muhiim ugu yahay in si mideysan loo wajaho.

Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in Madaxda ka soo qeyb galay shirka inay waajib ku tahay inay ka shaqeeyaan Midnimada iyo soo celinta rajada shacabka, wuxuuna ku cel celiyay wadashaqeyn dhex marta dowladda Federaalka iyo maamul goboleedyada.

HALKAN RIIX DAAWO VIDEO

Madaxweynaha ayaa sheegay in dadka aanay ogeyn in dalka dagaal ku jiro, isla markaana uu muddo 10 sano uu dagaal ku jiray. “Aniga dagaal waa iclaamiyay, laakiin 10 sano ka badan ayuu dalkaan dagaal ku jira, dad badan aanay ogeyn in dalka uu dagaal ku jiro” ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo.

 

SOMALI NEWS

To Top