WARARKA SOOMAALI

Daawo:Muuse Biixi oo ku dhaartay in Garoowe muran gali doonto,Haddii Puntland khalkhal galiso Doorashada Somaliland-Video

Musharaxa Xisbiga Kulmiye ee Maamulka Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo maanta warbaahinta kula hadlayey Magaalada Hargeysa ee Xarunta Maamulkaas,ayaa waxaa uu ka hadlay xiisadi Colaadeed iyo arrintii ka dhex taaganeyd Maamulka Punntland.

Muuse Biixi ayaa ugu horeyn waxaa uu weeraray sidii cadaada u ahayd Dowladda Soomaaliya kadibna wuxuu ku xejiyey Maamulka Puntland isaga oo ku dhaartay haddii Puntland isku daydo in ay khalkhal galiso Doorashada Somaliland ay wax kale iska daaye Garoowe lagu murmi doono.

HALKAN RIIX DAAWO VIDEO

Wuxuu yidhi Muuse Biixi“Somaliland Dagaal way kasoo daashay,maantana walalnimo iyo nabad baan rabnaa,haddise Puntland isku daydo in ay Khalkhal galiso Doorashada Somaliland,wax kale iska daaye Garoowe in lagu Murmi doono,ayaan balan idinka qaadayaa,,.

 

SOMALI NEWS

To Top