WARARKA SOOMAALI

Cali Khaliif oo Hargeysa Socdaal ku jooga Xili maalinta Beri ah Deegaanada Maamulka Somaliland doorasho looga dareeri doono…

Madaxwaynihii Khaatumo Cali Khaliif Galaydh oo Mudooyinka dambe ku sugnaa magaalooyinka Buuhoodle iyo Widh-widh, Sidoo kalana Kulamo kala duwan Caynaba kula qaatay XUbnaha Somaliland, kuwaasi oo ay kasoo baxeen in Khaatumo Qayb ka noqoto Somaliland ayaa laga soo waramayaa inuu Soo gaadhay magaalada Hargeisa.

Ilaa hada ma Cada Sababta ka dambaysa Safarka uu ku tagay Hargeisa Xiligan, Iyadoo maalinta Berri ah Doorashada looga Dareeri doono, Waxaana Maanka Qofkii Arintaasi maqla kusoo dhacaya ” Ma kormeerayaasha Doorashada ayuu ku Biiray, Ma Codkiisa ayuu dhiibanayaa, Mise Cida soo baxda ayuu ka warsugayaa ” ?

Si kastaba ha noqotee Cuqaasha, Isimada, Waxgaradka iyo Qaybaha kala duwan ee Bulshada ayaa ku gacansaydhay Heshiiskii dhowaan ay Caynaba ku gaadheen Axmed Maxamed Siilaanyo iyo Dr. Cali Khaliif Galaydh, Waxaana sidoo kale la filayaa inuu meesha ka baxo hadii ay soo baxaan Musharixiinta aan ahayn Kulmiye.

 

SOMALI NEWS

To Top