WARARKA SOOMAALI

Daawo:Maamulka Somaliland oo sheegay in Internet-ka Hawadda ay ka saarayaan iyo Fadeexado Caalamiya oo ay la kulmeen-Video

iyadoo oo ay sadex Maalin oo kaliy ka hadhsan tahay Doorashada Madaxtinimo ee Maamulka Somaliland ayaa gudiga doorashada ee Somaliland waxaa ay ku dhawaaqeen arrin ku cusub Deegaanada iyo doorashadaba kadib markii ay sheegeen in Khadka isgaadhsiinta Internet-ka Hawada laga saari doono.

HALKAN RIIX DAAWO VIDEO

Gudiga Doorashada ee Maamulka Somaliland ayaa ku dhawaaqay in marka la gaadho maalinta 13 Bisha oo ku beegan wakhtiga loo dareeri doono doorashada madaxtinimo ee Maamulkaas laga saari doono hawadda inta badan baraha Bulshada ee la isticmaalo guud ahaan deegaanada uu ka arimiyo Maamulka Somaliland,ilaa laga gaadhayo maalinta Natijada lagu dhawaaqayo.

Hay,addaha xaquuqul iinsaanka kuwa calaamiga ah iyo ururada ka dhisan Somaliland ee u dooda arrimaha xuriyadda hadalka ayaa wax lala yaabo iyo ceeb ku tilmaamay talaabadan ay qaadeen Gudiga Doorashada Maamulka Somaliland waxaana ay sheegeen in ay tahay wax laga xumado oo aan loo baahneyn.

Dhanka kale shacabka ku dhaqan Somaliland ayaa iyaguna si daran arrintan ugu kala aragti duwanaaday qaar ayaa qaba in ay tahay in la xidho qadka halka qaar kalana ay ka hor yimaadeen talaabadan,Somaliland ayaa arrintan xidhida qadka waxaa ay sabab uga dhigta ceebo iyo fadeexooyin been abuur ah oo laga faafiyo doorashada in ay ka hor tagayaan.

SOMALI NEWS

To Top