WARARKA SOOMAALI

Daawo:Maamulka Jubaland oo u gacan galiyey Puntland Askarigii Kufsiga iyo dhaawaca u gaystay Gabadhii yareyd-Sawiro

Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdisho waxaa laga soo dejiyay isaga oo gacmaha ka xidhan askari katirsanaa Ciidamada Puntland oo dhawaan dhibaato xanuun badan Boosaaso ku gaarsiiyay gabadh 16-sano jir ah, iyadoo Diyaarad Askarigan kasoo qaaday magaalada Kismaayo  waxaana askarigan la wareegay Ciidanka booliiska ee ku sugan Garoonka.

Sida aan Wararka ku helnay Askarigan oo lagu magacaabo C/Qaadir Warsame Axmed ayaa loo sii duulin doonaa isla maanta magaalada Boosaaso ee maamulka Puntland si halkaasi Maxkamad loogu saaro.

Askarigan ayaa xabad kaga dhuftay xubinta taranka gabar Faa’izo la yiraahdo oo 16 jir ah ka dib markii ay iska caabisay kufsi uu damacsanaa inuu kula kaco, waxaana haatan gabadhan lagu daweynayaa magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha Puntland C/wali Gaas ayaa horey u sheegay in sharciga la horgeyn doono askariga ka tirsan ciidamada maamulkiisa ee dhibaatada arxan darada ah kula kacay gabadha 16-ka jirka ah, lana marin doono ciqaabta uu mudan yahay.

SOMALI NEWS

To Top