WARARKA SOOMAALI

Daawo:Olalahii Doorashada Maamulka Somaliland oo maanta soo dhamaaday iyo Sadexda Musharax oo Warbaahinta la hadlay-Video

Waxaa maalintii Shalay soo gebageboobay ololaha doorashada madaxtinimada ee maamulka Somaliland, kaas oo soo socday 21-kii maalmood ee ugu dambeeyey.

Waxaana haatan socda diyaar garawgii ugu dambeeyey ee doorashada madaxtinimada ee la filayo inay Somaliland ka qabsoonto maalinta Isniinta Hadii alle idmo.

Xisbiyada ayaa maalmihii lasoo dhaafay waxay soo bandhigeyeen Taageerayaasha ay haystaan, Waxayse kala Calaf qaadi doonaan 13-ka Bisha.

Maanta waxaa si wada Jir ah Warbaahinta ula hadlay Sadexda Musharax uu Xilkaasi ku tartamaya, Muuse Biixi Cabdi, C.raxmaan Cirro, iyo Faysal Cali Waraabe.

HALKAN KA DAAWO MUUQAALKA CIRO

Cirro ayaa sheegay inuu dhamaaday Tartankii hadana ay Taladu ku jirto Gacanta shacabka oo Qofkii ay doortaan uu soo Bixi doono.

HALKAN KA DAAWO MUUQAALKA FAYSAL 

Faysal ayaa dhankiisa ka hadlay arimo kala duwan, Wuxuuna sidoo kale Fariin u diray Dawladda Soomaaliya iyo Maamulka Puntland.

HALKAN KA DAAWO MUUQAALKA MUUSE BIIXI

Muuse Biixi Cabdi oo ayaa isaguna Jeediyey khudbad dhinacyo badan taabaysa, taasi oo la Xidhiidha arimaha Doorashada

 

SOMALI NEWS

To Top