WARARKA SOOMAALI

DAAWO:Murugada iyo Xanuunka Khasaaraha ka dhashay Qaraxii waynaa ee Galabta ka dhacay Muqdisho Dhimashada oo gaadhay 30 ruux iyo dhaawac tiro beel ah-Video

Waxaa isa soo taraya khasaaraha ka dhashay qaraxii weynaa ee galabta ka dhacay Isgoyska Zoobe, kaasoo lagu tilmaamay kii ugu xoogganaa ee taariikha ka dhaca magaalada Muqdisho, iyadoo qaraxa uu sababay burbur lixaad leh.

Illaa iyo hadda dhimashada ayaa tiro sax ah la heyn, hase ahaatee saraakiisha caafimaadka ayaa xaqiijinaya in haatan ay ka badan tahay 30 ruux.

HALKAN RIIX DAAWO VIDEO

Gurmad xoog leh ayaa socda, kaasoo looga soo saarayo dadka ku jira dhismayaasha ku bur buray qaraxa, waxaana muuqaalka goobtii uu qaraxa ka dhacay ay noqotay meel ay dhul gariir oo kale ka dhacday.

Hotelka Safaari ayaa gebi ahaanba bur buray, sidoo kale dhismayaal ka ag dhowaa oo u badnaa ganacsi iyo maqaayado ayaa bur buray.

In ka badan 20 baabuur ayaa goobta ku bas beelay, qaarkood waxaa laga waayay dadkii saarnaa, waxaana xaalada ay noqotay mid murugo leh.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Taabid Cabdi oo goobta tagay ayaa ku baaqay gurmad deg deg ah in lala gaaro dadka ku waxyeeloobay, sidoo kale waxaa uu dalbaday in cagaf cagafyo, si dadka ku hoos jira dhismayaasha bur buray laga soo saaro.

Guddoomiyaha ayaa sidoo kale ka codsaday ciidamada inay dadka dhibanayaasha waddooyinka u furaan.

Dad fara badan ayaa la eheladooda meel ay jaan iyo cirib dhigeen, waxaana baadigoobka iyo gudmadka socday uu galay habeenimo.

Dadka illaa iyo hada ku dhintay qaraxa ayaa waxaa ku jira Mas’uul ka tirsanaa Wasaaradda Waxbarashada iyo labo nabadoono

SOMALI NEWS

To Top