WARARKA SOOMAALI

DAAWO:Madaxweyne Farmaajo oo ku dhawaaqay Maalmo Baroor diiq ah iyo Calanka oo hoos loo dhigay,Midnimo-Video

Madaxweynaha Somalia Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ku dhawaaqay sadex maalmood oo baroor diiq qaran ah oo ku aaddan musiibadii ka dhalatay qaraxyadii lala beegsaday goobo ganacsi oo ku yaalla isgoyska Zoobe ee magaalada Muqdisho.

Farmaajo ayaa ka tacsiyeeyay dhammaan dadkii rayidka ahaa ee ku nafwaayey qaraxyadaas. Isaga oo Alle uga baryey in uu fadhigooda ka yeello Janada maadaama ay ahaayeen dad rayid ah oo aan waxba galabsan kuna howlanaa nolashooda maalinlaha ah.

HALKAN RIIX DAAWO VIDEO

“Weerarkan waa musiibo Qaran oo aan ku waynay muwaadiniin Qaali oo aan waxba galabsan. Sidaas darteed, waxaa aan ku dhawaaqayaa saddex maalmood oo baroordiiq qaran ah, calankana jamhuuriyadana hoos loo dhigo” ayuu yiri madaxweyne Farmaajo.

Waxaa uu ugu baaqay dhamaan shacabka Soomaaliyeed inay gurmad deg-deg ah u fidiyaan dadkii dhibaatadu ka soo gaartay qaraxyadaan gaar ahaan dadka dhaawaca ah ee jiifa Isbitaalada.

“Qaraxyadan waxaa lala beegsaday waddooyinka ugu mashquulka badan caasimadda, waxaa lagu beegay xilligii ugu saxmadda badnaa taas oo muujinaysa inta ay le’egtahay cadaawadda ay ay argagxisadu u qabaan shacabka Soomaaliyeed, hadaba aan kaga guulaysanno midnimadeenna iyo wada jirkeena.”ayuu yiri Madaxweynaha.

Farmaajo ayaa ku amray laamaha ammaanka Dowladda Federaalka Soomaaliya inay jawaab cad ka keenaan qaraxaan isla markaasna ay kor u qaadaan howlgallada lagu xaqiijinaayo ammaanka shacabka.

Dad ka badan 50 ruux ayaa la xaqiijiyey iney ku dhinteen ku dhowaad boqol kalena ay ku dhaawacmeen qarax loo adeegsaday gaari xamuul ah oo ka dhacay shalay galab isgoyska Zoope ee magaalada Muqdisho, iyadoo ay jiraan dad fara badan oo nolol iyo geeri lagu la’yahay, waxaana sidoo kale qaraxan ka dhashay burbur baaxad leh, mana jirto illaa hadda cid sheegatay.

 

SOMALI NEWS

To Top