WARARKA SOOMAALI

DAAWO:Madaxwayne Farmaajo oo Dhiig u shubay Dhaawacyadii musiibadu heshay kadibna Booqday halkii Qaraxu ka dhacay-Video

Madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa goor dhow tagay goobtii uu qaraxii shalay ka dhacay ee Isgoyska Zoobe iyo Isbitaalada la geeyay dadkii ku dhaawacmay.

Madaxweynaha ayaa mid mid u gacan qaaday dadka ay dhaawacyada ka soo gaareen qaraxii shalay, isagoo u rajjeeyay inuu Alle uu bogsiiyo.

Madaxweyne Farmaajo ayaa goobtii qaraxa ka dhacay kula kulmay dadweyne raadinayay eheladooda, waxaana uu uga tacsiyadeeyay geerida eheladooda, samirna uu alle ka siiyo.

HALKAN RIIX DAAWO VIDEO

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa dhiig u shubay dadkii dhibanayaasha ahaa ee ku waxyeeloobay qaraxii waxashnimada ahaa ee ka dhacay Isgoyska Zoobe.

Madaxweynaha ayaa ku dhawaaqay saddex maalmood oo baroor diiq qaran ah iyo calanka oo hoos loo dhigay, sidoo kale waxaa uu dadka ugu baaqay inay u soo gurmadaan dadkii ku waxyeeloobay qaraxa.

Dhimashada ayaa la heyn tiro sax ah, waxaana dadka qaar ay sheegayaan inay ka badan tahay boqol ruux, marka loo eego goobta qaraxa uu ka dhacay oo aheyd meel aad u mashquul ah.

SOMALI NEWS

To Top