WARARKA SOOMAALI

Daawo:Dowladda Turkiga oo si kulul uga hadashay Qaraxii lagu dhamaaday ee Muqdisho iyo Qaramadda Midoobay oo -Video

Dowladda Turkiga ayaa si kulul u cambaareysay qaraxii lagu hoobtay ee shalay ka dhacay magaalada Muqdisho, gaar ahaan Isgoyska Zoobe oo aheyd meel aad u mashquul ah oo ay ku yaalleen goobo ganacsi iyo hotelo.

War qoraal ah oo ka soo baxay safaaradda Turkiga ee Muqdisho ayaa lagu sheegay in weerarkaas uu ahaa mid aad looga naxo oo lagu xasuuqay shacab aan waxba galabsan.

“Waxaa si kulul u cambaareyneynaa qaraxii argagixiso ee ka dhacay magaalada Muqdisho”ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay Safaaradda Turkiga ee Muqdisho

Sidoo kale Waxaa Tacsi loogu diray ehelada dadkii ku dhintay qaraxaas iyo dadkii ku dhaawacmay inuu alle bogsiiyo.

Turkiga ayaa sheegay inay garab taagan yahay dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed, xilligan adag oo weerar dad badan lagu gumaaday.

Qaraxii shalay ka dhacay isgoyska Zoobe oo loo adeegsaday gaari xamuul ah ayaa la sheegay inuu ahaa kii ugu xumaa ee ka dhaca Muqdisho, isla markaana dad fara badan ku le’day.

Dhanka kalena Ergayg gaarka ah ee QM u qaabilsan arimaha Soomaaliya Micheal Keating ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay qaraxii shalay ka dhacay magaalada Muqdisho kaasi oo sababy geerida dad aad u fara badan iyo dhaaawaca kuwa kale.

Keating ayaa tilmaamay in falkaasi uu ahaa mid argagax leh ayna dhibaato ka soo gaartay shacb ku sugnaa isgooyska soope ee magaalada caasimadda ee muqdisho.

Waxa uu tacsi u diray dhamaan ehelada dadkii ku geeriyooday qaraxasi, isagoo sidoo kalana caafimaad u rajeeyay kuwa ku dhaawacmay.

Ergayga ayaa ugu baaqy dowladda Soomaaliya hay’adaheeda ammaanka dar dar galinta sugidda amniga, si looga hor tago qaraxyada .

Hadalka Micheal Keting ayaa ku soo aadayo xilli shalay magaalada muqdisho uu ka dhacay qarax sababau geerida dad u fara badan sidoo kalana ku dhaawacmeen kuwa kale.

HALKAN RIIX DAAWO VIDEO

SOMALI NEWS

To Top