WARARKA SOOMAALI

Daawo:Meydad hor leh oo laga soo saarayo wali goobtii uu Qaraxu ka dhacay iyo Gurmad xoog leh oo wali socda-Video

Waxaa wali socda gurmadka loo fidinayo dadkii ku waxyeeloobay qaraxii weynaa ee shalay ka dhacay magaalada Muqdisho, gaar ahaan Isgoyska Zoobe, iyadoo wali dhismayaasha bur buray laga baadigoobayo dad ku hoos jira.

Meydadka illaa shan ruux ayaa saaka laga soo saaray dhismayaasha bur buray, waxaana qaarkood la sheegay in la kala garan waayay.

Gawaarida cagaf cagafyada ayaa sidoo kale qodaya guryaha ku bur buray qaraxii shalay, waxaana aad u yar rajada laga qabo in dad nool laga soo saaray dhismayaasha bur buray.

Shacab aad u fara badan ayaa buux dhaafiyay Isgoyska Zoobe iyo isbitaalada, waxaana dadka ay raadinayaan dadkooda oo ay nolol iyo geeri ku la’yihiin.

Arrimaha ugu xanuunka badan ayaa ah, in dad shalay qoyskooda ugu war dambeysay ay tan iyo xalay raadinayeen nolol iyo gaari.

Meydadka qaar ee lagu arkay Isgoyska Zoobe ayaa u badnaa kuwo gubtay oo la kala garan waayay, kuwo jirkooda waxba laga arki waayay iyo hilbo go go’ay.

Illaa iyo hada waxaa adag in la sheego tiro rasmi ah oo khasaaraha ah, sidoo kale dowladda iyo hey’adaha caafimaadka iyana ma soo bandhigin tirada saxda ah.

Hase ahaatee waxay dadku qiyaasayaan in dhimashada ay ka badan tahay boqol, marka loo eego baaxada khasaaraha uu qaraxa geystay, saameyntiisa iyo goobta qaraxa uu ka dhacay oo aheyd goob mashquul ah oo ganacsiyo iyo socodkaba uu ku badnaa.

Gurmadka ugu badan ee loo baahan yahay ayaa ah dhiig, iyadoo isbitaalada qaar ay ku deeqeen in dadka ku waxyeeloobay qaraxa si lacag la’aan wax loogu qabto.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, Wasiirka Amniga iyo Mas’uuliyiin kale ayaa ku deeqay dhiig loo shubay dadkii ku dhaawacmay qaraxa.

Waxaa kaloo arrimaha naxdinta reebay ka mid ah afar walaalo ah oo Carwo ku lahaa Isgoyska Zoobe oo qaraxa ku geeriyooday, sidoo kale gabar ka qalin jebisay jaamacad oo xafladeeda qalin jebinta uu maanta ka qeyb geli lahaa aabaheed oo Muqdisho imaanayo ayaa ku jirta dadka dhintay.

Baraha bulshada ayaa waxaa lagu soo bandhigayay sawirada dadkii dhintay iyo kuwo nolol iyo geeri lagu la’yahay.

Qaraxii shalay ka dhacay magaalada Muqdisho oo ahaa kii ugu xumaa ee soo mara, ayaa dadka ku tilmaameen inuu yahay sidii dhul gariir oo kale ama Hubka wax gumaada, marka loo eego bur burka iyo khasaaraha baaxada leh ee uu geystay.

HALKAN RIIX DAAWO VIDEO

SOMALI NEWS

To Top