WARARKA SOOMAALI

DEG DEG:Dowladda Turkiga oo Diyaarad Gurmad ah Soomaaliya usoo dirtay…Sawiro

Madaxwyenaha Dalka Turkiga Recep Tayyip Erdoğan ayaa amar ku bixiyay in diyaarad caafimaad oo gargaar degdeg ah ku qalabeysan oo diro magaalada Muqdisho.

Diyaaradan oo ah kuwa caafimaadka  ayaa Muqdisho u tegi doonta inay ka qaado dadka dhaawacoodu liito ee wax ku waxyeeloobay qarixii weynaa ee shalay ka dhacay Muqdisho, iyadoo ay la socdaan dhaqaatiir caamaad oo la
tacaalaya dhaawacyada.

Turkiga ayaa noqday dalkii ugu horeeyay ee ka jawaaba codsigii dowladda Soomaaliya saacado gudahood, waxaana tani ay muujineysaa in madaxweyne Recep Tayyip Erdoğan  uu yahay shaqsi u dhow umadda Soomaaliyeed.

R/wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre  ayaa Goor dhowayd sheegay inay  dalal kala duwan Dawladdu  ka codsatay inay gurmad deg-deg ah u soo fidiyaan dadka dhaawaca ah, kuwaasi oo Waxyeelo kasoo gaadhay Weerarkii Waxshinada ahaa ee shalay ka dhacay Muqdisho.

SOMALI NEWS

To Top