WARARKA SOOMAALI

Daawo:Madaxweyne Xaaf oo Khudbad yaab leh jeediyay Kadibna yidhi,Galmudug waxaan ka Qaadayaa meesha-Video

Madaxwaynaha Cusub ee maamulka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa Maanta Markii Xilkaasi loo doortay ee la Dhaariyey wuxuu Jeediyey Khudbad Koona oo uu Kaga hadlay Qorshaha uu Galmudug ku Hogaamin doonoo.

“Walaalayaal waxaan u mahadcelinaya xildhibaanada idoortay iyo kuwa aan i dooran labadaba, marka labaad waxaan soo dhoweynaya xilka la iidoortay oo aan jeclahay sida uuyahay inaan dhulka ka qaado Galmudug ayaan ku dadalaya ilaahay idinkiis.

Waxaan salaamaya madaxda Federaalka inala jooga , wasirada iyo xildhibaanada, madaxweyne ku xigeenka iyo marti sharafta kale ee halkan inala jooga Ajendahayga ugu weyn inaan u qalab qaadano inaan xabad danbe Galmudug ka dhicin, nabadeyn , dib u heshiisiin Galmudug iyo hareeraheedaba.

HALKAN RIIX DAAWO VIDEO

Qolada walalaheen ee Ahlu Sunna aad iyo aad baan usoo dhowenaynaa waan u baaqayna, inay noo yimaadaan oo nagula shiraakoobaan dowladda aan dhisaysno, waana rajeynaynaa ilaahay idinkiis.

Dowladda Federaalka iyo beesha caalamka waxaan ugu baaqaya inaanay gacmaha naga laaban, oo ha naloo roonaado , waxaan kale oo walaalahayga kale ee ila tartamayey lee ahay soo dhowaada , waan wada shaqeyn doona, doorashada danbena kusoo baxa ilaahay idinkiin. waana idiinka mahadcelinaya sidaa iila tartanteen , waana idiin rajeynaya marka labaad inaad kusoo bixi doontaan.

Dhamaan ciidamada , kala duwan kusoo dhowaada walalayaal , wakhtigan wakhti ka danbeeya mushahar danbe oo aad weyn doontaan ma jiro, gudaha Galmudug ayaanu ka helayna mushaharkeena,  Galmudug ha noolaato, Soomaaliya ha noolaato”.

 

SOMALI NEWS

To Top