WARARKA SOOMAALI

Daawo Waraysi:Xaalad adag oo wali ka taagan Degmada Xamar lagu-xidh iyo Dadaalka Dhalinyaradda G.Sool-Video

Wararka igu danbeeyay ee naga soo gaadhay degmada Xamar lagu xidh ee Gobalka cayn oo uu dhawaan ka dilaacay Xanuunka Shuban Biyoodka oo in mudo ahba ka jiray Buuhoodle iyo deegaanada ku xeeran oo Degmada Xamar-laguxidhna ay ka mid tahay.

Wararka maanta ka imaanaya Degmadaas ayaa kusoo waramaya in ay tahay xaaladu mid degan walow u jiraan Dad aad u badan oo u jiifa xanuunka Shuban Biyoodka sidoo kalena ay jiraan kuwo u dhintay oo tiro ahaan gaadhay ilaa intii uu xanuunku ka dilaacay deegaanka 20 Qof ilaa iyo hadana Dadku xanuunka ay usoo dhacayaan oo maalin kasta kiisas cusub la qabanayo kuwaas oo uu soo ritay xanuunka Shubanku.

Dr Faarax Cilmi Khaliif oo kamid ah dhalinyarada bahda Caafimaadka ah ee dadaalka badan ugu jiray sidii loo samata-bixin lahaa isla markaana gurmad Caafimaad oo tayo leh loogu heli lahaa Dadka Xanuunkan haleelay oo aan maanta Telefanka kula xidhiidhnay isaga oo ku sugan degmada Xamar-laguxidh oo isaga iyo Koox Caafimaad oo ka socda Dhalinyarada Gobalka Sool ee Gurmadka Abaaraha oo Degmada gadhay kadib markii xaalad adag oo xanuunka ah laga soo sheegay ayaa nooga waramay xaaladda Saaka.

HALKAN RIIX DAAWO WARAYSIGA

Dhanka kale Waxaa si is daba joog ah Gurmad aan hakad laheyn iyo Socdaallo joogta ah Degmada ku tagaya Ururka Dhalinyaradda Gobalka Sool oo iyagu ah Urur iskood isku xilqaamay isla markaana ka damqaday Dadkooda Xaaladda Adag ku sugan.

Dhalinyaradda Gurmadka Abaaraha ee Gobalka Sool ayaa ilaa hadda waxaa ay dadaal ugu jiraan sidii ay dadka uga saari lahaayen intii awoododa iyaga oo dadaalo iyo waxqabadyo ka sameeyay deegaanka siiba dhanka abaaraha iyo Xanuunka Shuban Biyoodka oo ay ku mashquulsanayeen ilaa horaantii abaarta kadibna markii xanuunku dilaacay ay u badaleen Ururkii in ay dhanka samafalka xaga Badbaadinta Dadka xanuunsan uga qayb qaataan iyagoo Iska xulay shaqalle Caafimaad oo xirfad sare leh kadibna u qaybiyay deegaanada Xanuunku ku dhuftay.

Sidoo kale waxaa Xanuunka laga soo sheegayaa Deegaano hor leh oo ay kamid yihiin Goob-weyne,Banyaal,Qararo,Yayle,Dan-dan iyo Deegaano kale oo uu faro badan an ku hayo xanuunku iyagana waxaa la inooga baahan yahay in aan si deg deg ah ugu gurmano inaga oo is kaashanayna dhamaanteen.

Wararka Horufadhimedia.com

SOMALI NEWS

To Top