WARARKA SOOMAALI

Daawo- Xaglatoosiye oo Buuhoodle tuurta lagu qaaday iyo Boqolaal qof oo soo dhaweeyey-VIDEO.

Saleebaan Ciise Axmed oo Wasiirka Caafimaadka ugu magacaaban maamulka Somaliland ayaa  soo gaadhay magaalada Buuhoodle isagoona Halkaasi ka helay taageeroyaal, Kadib Gurmadkii uu deegaanka ka Sameeyay Xiligii ay Xaalada adag ka jirtay.

HALKAN RIIX DAAWO VIDEO

Dhinaca kale wuxuu Weerar ku qaadya maamulka Punltand, Isagoona waxba kama Jiraan ku tilaamay Hadalo uu dhowaan Warbaahinta Mariyyey Cabdixakiin Camey iyo  Xubno ka socday Puntland oo dhinaca Xuduudka Itoobiya  kasoo galay  Buuhoodle, Wuxuuna Itoobiya ka codsaday inay deegaanka ka qabto Xubnaha kasoo gelaya Xadkooda.

Shacabkii Halkaasi ku sugnaa ayuu Waydiiyey in Xubnaha Puntland ka socda loo Fasaxo Cisbitaalka Buuhoodle, Iyagoona diiday in loo Fasaxo, Maadaama ay yimaadeen deegaanka Xili la roobsaday oo dadkiina inta badan ay Bogsoodeen, Sida uu hadlka u dhigay.

Magaalada Buuhoodle ayaa waxaa ku wada Sugan Madaxda Maamulka khaatumo,  Xubno ka socda Puntland,  Somaliland,  Dawlad degaanka Soomaalida Itoobiya iyo Hay’ado kala duwan  Iyadoona Cidkasta ay Kulamadeeda si Nabad-gelyo ah ku Qabsato.

Wararka Horufadhi.com

SOMALI NEWS

To Top