WARARKA SOOMAALI

Daawo:Madaxweyne Farmajo oo maanta gaadhay magaalada Kismaayo ee Xarunta Maamulka Jubaland-Sawiro

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayay ayaa goor dhow gaaray magaalada Kismaayo ee xarunta Jubada Hoose, halkaasoo wafdiga Madaxweynaha si weyn loogu soo dhoweeyay.

Wafdiga Madaxweynaha ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Kismaayo ku soo dhoweeyay Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe, xubno ka tirsan maamulkiisa iyo bulshad areer Kismaayo.

Madaxweyne Farmaajo ayaa lagu wadaa inuu kulan la yeesho Madaxweynaha Maamulka Jubbaland, iyagoo ka wada hadli doona arrimaha federaalka iyo la dagaalanka Al-Shabaab oo inta badan deegaanada maamulkaas ay gacanta ku hayaan Al-Shabaab.

Wafdiga Madaxweynaha ayaa caawa ku hoyan doona magaalada Kismaayo, waxaa Madaxweynuhu kormeeri doonaa Dekeda Kismaayo iyo goobo kale.

Ammaanka magaalada Kismaayo ayaa si aad ah loo adkeeyay, iyadoo la xiray waddooyin badan oo gudaha iyo banaanka magaalada, halkaasoo ciidamo la dhigay.

SOMALI NEWS

To Top