WARARKA SOOMAALI

Daawo:Dowladdaha Kuwait iyo Turkiga oo soo fara gashaday Qalalasaha Qaddar iyo Wadamada Khaliijka-Video

Xiisada ka dhex taagan wadamada Khaliijka oo shalay gaartay heerkii ugu xumaa ayaa la bilaabay dadaal lagu hakinayo xiisadan diblumaasiyadeed.

Dowladaha Kuwait, Turkey iyo Sudan ayaa kamid ah wadamada sheegay inay doonayaan inay dhex dhexaadiyaan xiisadan u dhaxeysa Sacuudiga, Imaaraadka iyo Qatar.

HALKAN  RIIX DAAWO VIDEO

Dalalka Sacuudiga, Imaaraatiga, Baxreyn, Liibiya iyo Yemen ayaa sheegay inay xiriirkii u jareen Qatar. Sacuudiga iyo Imaaraatiga oo arrintan ka danbeeyey ayaa sidoo kale xayiraad dhanka Hawada, bada iyo xaduuda ah saaray dalka Qatar oo hada go’adoon la geliyey.

Amiirka dalka Kuweyt Sabah Al-Ahmad Al-Jaber Al-Sabah ayaa xiriir la sameeyey madaxda dalalka Sucuudiga, Imaaraadka iyo Qatar, sida ay sheegtey warbaahinta dalka Kuweyt ee KUNA.

Qatar ayaa ku tilmaamtay xiisadan mid ay horey usii qorsheeyeen Sacuudiga iyo Imaaraatiga, isla markaana ay doonayaan inay uga aargutaan dalka Qatar oo ay dhanka siyaasada isku khilaafsan yihiin.

Xukuumada Qatar ayaa iyadu sheegtay inay wadahadal diyaar u tahay isla markaana dib u dhigtay khudbad uu maanta soo jeedin lahaa Amiirkooda Al Thani oo sheegay inuu fursad siin doono codsiga uga yimid Amiirka dalka Kuwait.

Dalalka ururka Khaliijka kamid ahaa ee Kuwait iyo Cumaan ayaa iyagu diiday inay Sacuudiga iyo Imaaraadka ku taageeraan in go’adoon la geliyo dalka Qatar.

Dhinaca kale Maraykanka oo saldhig weyn kuleh dalka Qatar ayaa sheegay inuusan waxna ka bedali doonin ciidamada ka jooga Qatar iyo Saldhigyadiisa.

Dalka Imaaraadka ayaa horey olole ugu jiray inuu iska horkeeno Qatar iyo Maraykanka, si saldhiga Maraykanka Qatar ku leeyahay loogu soo raro dalka Imaaraadka Carabta.

Xiisadan ayaa sidoo kale kusoo beegantay xili la shaaciyey emailo laga jabsaday Safiirka Imaaraatiga u fadhiya Maraykanka, xogtaasi oo ay ku jirtay qoraalo ay is dhaafsadeen saraakiisha Maraykanka oo uu Safiirka Imaaraatiga ku cambaareenayey dalka Qatar iyo waliba xiriir uu si hoose ulla lahaa Hay’adaha u ololeeya Israel ee fadhigoodu yahay Maraykanka.

SOMALI NEWS

To Top