WARARKA SOOMAALI

Daawo:Madaxweyne Farmaajo“Aniga la iima xidho Jidadka Muqdisho,Kadib safarkii uu ku tagay Sucuudiga iyo Kenya-Video

Madaxweynaha jamhuuriyada soomaaliya Maxamed Cabdullaahi farmaajo ayaa sheegay in aan loo xirin dhaqadhaqaaqa Muqdisho, Xilliyada uu ka baxayo madaxtooyada Villa soomaaliya, ama uu ka baxayo dalka oo uu tilmaamay in aysan jirin wado loo xiro Socdaalkiisa.

HALKAN RIIX DAAWO VIDEO

Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in dhawaan safarkiisa Nairobi iyo kii uu ku tagay Sacuudiga markii la doortay kadib aan loo xirin wado, islamaarkaana dhaqdhaqaaqo uu yahay Caadi, oo aysan jirin wado loo xirayo isaga.

Dhinacakale madaxweyne Farmaajo waxaa uu sheegay in dowladiisa ay wax u qaban doonto dadka shacabka ah ee dhibaatada kala kulma qaraxyada ee u baahan caafimaad dibada, si wax loogu qabto, dowladuna ay garab istaagi doonto dadkaasi.

Wararka Horufadhi.com

SOMALI NEWS

To Top