WARARKA SOOMAALI

Daawo:Ra,iisul Wasaare Khayre oo ka hadlay Golaha Wasiirada cusub iyo Xaaladda Soomaaliya“Dalkan waa Dalkiina,,-Video

Ra’iisul Wasaaraha Dowladda Federaalka Xasan Cali Khayre (Xasan Bile) oo ka hadlayay doorka Haweenka ay ku leeyihiin xukuumadda cusub ayaa sheegay in Lix ka mid ah Golaha Wasiirada gaar ahaan Wasiirada ay siiyeen Haweenka.

Waxa uu sheegay Ra’iisul Wasaaraha Dowladda Federaalka xukuumadan in ay tahay xukuumadda keliya ee Haweenka ay ka heleen Wasiiradii ugu badnaa.

HALKAN RIIX DAAWO VIDEO

Sidoo kale Xasan Cali Khayre Ra’iisul Wasaaraha Dowladda Federaalka ayaa sheegay Ganacsatada, Haweenka iyo shacabka Soomaaliyeed in uu u sheegay in la soo gaaray waqtigii ay la shaqeyn lahaayeen Dowladda Soomaaliya.

Mudane Khayre ayaa sheegay Haweenka in looga baahan yahay xilligan taageero muuqata in ay siiyaan Golaha Wasiirada ee magacaaban, kuwaasi oo hada wajahaya caqabado kaga imaanaya qaar ka tirsan xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka.

Ra’iisul Wasaaraha Dowladda Federaalka Xasan Cali Khayre (Xasan Bile) ayaa waxaa looga fadhiyaa in xukuumadda uu horgeeyo Baarlamaanka Federaalka, kahor inta aysan dhamaan Bishan.

SOMALI NEWS

To Top