WARARKA SOOMAALI

Daawo:Madaxweyne Farmaajo oo taageero u raadiyey Dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab-Video

Madaxweynaha Jamhuuriaydda Federaaliga ah ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta oo Isniin ah gaarey magaalada Adis Ababa, tan oo ah lugtiisi labaad safar uu ku maraayey dalalka deriska ah, waxaana garoonka kusoo dhoweeyay Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Itoobiya Dr. Workneh Gebeyehu.

HALKAN RIIX DAAWO VIDEO

Madaxweyne Farmaajo oo la hadlayay warbaahinta ayaa sheegay in safarkiisa labaad ee Itoobiya ku yimid ay qeyb tahay sidii uu ula kulmi lahaa Madaxda Itoobiya, isla markaana ay muhiim in loo midoobo cadawga, kaddib qaraxii ugu xumaa ee ka dhaca Muqdisho.

“Khatartan ma ahan kaliya mid Soomaaliya ku wajahan, xataa dalalka deriska ayay ku tahay, waana sababta aan halkan u imid oo aan u raadinayo taageero iyo garab istaag walaalaheena Itoobiya”ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo oo Wariyeyaasha la hadlayay markii uu ka degay Garoonka diyaaradaha Bole ee magaalada Addis Ababa.

SOMALI NEWS

To Top