WARARKA SOOMAALI

Daawo:Axmed Madoobe oo sheegay in Gacan Militeri lagaga jawaabo Qaraxii lagu dhamaaday ee Muqdisho-Video

Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) Madaxweynaha Maamulka Jubbaland ayaa marka hore waxa uu misiibo ku tilmaamay qarixii 14 Bishaan ka dhacay gudaha Magaalada Muqdisho kaas oo ay ku geeriyoodeen dad aad u farabadan.

HALKAN RIIX DAAWO VIDEO

Waxa uu sidoo kale sheegay in marka hore loo bahan yahay in y dadku caroodaan taas oo keeni karta in ay wax iska celiyaan balse aan loo baahneyn in la sameeyo barooordiiq iyo wax aruurin.

Sidoo kale waxa uu hadalkiisa intaas raaciyay in hadii Calanka hoos loo dhigo oo wax walba hadal looga jawaabo ay taasi imaaneyso in Maalin walba ay tacsi inoo taalo sida uu hadalka u dhigay.

Ugu dambeyn waxa uu ku baaqay in Gacan Milateri looga jawaabo Weerarkii Boqolaalka qof ay ku geeriyoodeen ee ka dhacay Isgoyska Zoobe ee Magaalada Muqdisho kas oo uur ku taalo ku reebay Shacabka Soomaaliyeed.

SOMALI NEWS

To Top